Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

jalliyada DDSI ee Melbourne-dalka Australia oo ku boorinaysa Guud Ahaan Shucuubta DFI gaar ahaan shacabka DDSI inay halkii kasii wadaan himiloyinki iyo Qorshayaashii Kobaca-Dhaqaale ee halyaygi aragtida dhera ato males zenawi.

Melbourne(CakaaraNews) isniin August 19,2013.Jaaliyada DDSI Melbourne ayaa Munaasabad Lagu Xusayay Sanadjirka Maalintii uu Geeriyooday Raysalwasaarihii Aragtida Dheeraa ee MelesZenawi ku qabatay Melbourne taasoo ku beegnayd 20/8/2013 oo ah maalinta loo aqoonsaday In lagu xasuusto Geeridii Raysalwasaaraha iyo Sii ambaqaadida hindisayaashii iyo Qorshayaashii Horumarineed islamarkaana ahaa injineerkii Horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Dalka Federalka Itoobiya.

Xuska sanadjirsaday ee ka soo wareegay Geeridii hogaamiyaha Aragtida Dheeraa ee Meles Senawi ayaa Guud ahaanba laga xusayaa Dhamaanba Deegaanada Iyo DFI taasoo Caasimada DFI ee Addis-ababa Ay ka dhacayso Xus heer Caalami ah oo ay ka Soo qaybgaleen Dhamaanba Madaxda caalamka,Gobolka,Qaramada Midoobay iyo Madaxweynayaasha Dalalka Igad.

Jaaliyada Ayaa Ku Boorinaysa Dhamaanba Shucuubta Iyo Qowmiyadaha DFI gaar ahaan Shacabka DDSI in ay sii deardargaliyaan balanqaadkii Meles Senawi si loo sii ambaqaado Hirgalinta Aragtidii,Himilooyinkii,Hindisayaashii iyo Qorshayaashii Kobaca Dhaqale ee uu inoo jeexay Hogaamiyihii Aragtida Dheeraa ee Meles Zenawi taasoo ku Qotantay Iskaashi,Midnimo,Cadaalad,Ixtiraam qowmiyadeed,Wadanoolaansho,saraynta Sharciga,xaqdhawrka Dastuurka Sugay Xuquuqihii Qowmiyadaha iyo Dhamaystirka Biyo-xidheenka Qarniga ee ABBAY.

Hadaba jalliyada somalida Ethiopia ee dalka Australia gaar ahaan magaalada melbuorne ayaa waxay dhankooda balanqaadeen in ay himilooyinki iyo aragtidii halyaygi aragtida dheera ay halkedii kasii wadi doonaan,islamarkaana qayb libaaxleh kaqaadan doonaan dhamaystirka biyo-xidheenka abay. Dhanka kale warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Guud ahaan jaliyada somalida Ethiopia ee dalka Australia ay ku hawlan yihiin sidii ay dalka Australia uga hirgalin lahaayeen MALES-FOUNDATION iyagoo la kaashanaysa jaliyadaha kale ee kasoo jeda dalka DFI Ethiopia ee kunool dalka Australia iyo Safaarada.

Isku Soo wada Soohoo waxaa Xaqiijiyay Durba Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Dhankiisa Guntiga u Xidhay In uu Ka midho dhaliyo Sii ambaqaadida Hirgalinta Qorshayaashii Horumarineed ee Muhandiska Aragtida Dheer,islamarkaana DDSI sanadkii ugu danbeeyay laga hirgaliyay mashaariicihii Horumarineed ee ugu Badnaa Abida DDSI.