Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ila Qosol:- Dhacdooyinka Da'da Qurbaha oo Dhexmartay Wiil iyo Aabihiis.

Yurub(CakaaraQosol) Isniin august 19,2013.waxaa ka dhacday Mid ka mida dalalka Yurub Sheeko Qosol Badan oo Dhexmartay Wiil iyo Aabihiis oo ku wada Nool Qurbaha.

Meertada 1aad:- Nin ka mida dadka Soomaalida Qaxootinimada iskaga Dhiibtay Yurub ayaa markii uu dalkaas galay ayaa ay laaanta Socdaalada(Immigration) markii ayka buuxinayeen Foomka lagu qoro Xogta Shaqsiga dalbaday qaootinimada (Home Office) ayaa uu ninkii isku Diiwaangaliyay Ama sheegtay Da' aad uga yar da'diisa Dhabta ah,sidaasna lagu siiyay Ogalaanshihii qaxootinimo.

Meertada 2aad:- dadkii iyo asxaabtii Ninku ku lahaa magaalada uu ku noolaa ayaa waydiiyay Ninkan da'diisa,markaasuu u sheegay Da'dii uu dalka ku joogay(Home-Office Age).

Meertada 3aad:- Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Goob ay wada fadhiyeen Ninkii da'da yaraa ee hadana waynaa iyo qaar ka mida asxaabtiisii ayaa waxaa u yimid Wiil uu Dhalay Ninkan yaroo waynka ahaa,markaasuu mid ka mid ah dadkii meesha fadhiyay i kadis ahu waydiiyay wiilkii da'diisa.

Wiilkii ayaa sheegtay da; la mid ah ta aabihii uu Home-officeka kaga diiwaan gashanaa saa odaygii ayaa la wada jaleecay,markaasuu Odaygii Wiilkiisii ku yidhi "Wiiloow lambarkaa waa la haystaaye Ama Kor uga Soco Ama Hoos uga Deg" kkkkkkkhahahahahahahahahah. Xoriyada Da'du waa Dhulkaaga Hooyo kaliya