Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Isku soo bax balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay Geeridii Raysil Wasaarihii hore ee dalka ato males zinawi oo ka dhacday xarunta deegaanka ee Magaalada jigjiga.

Jigjiga(cakaaraNews) Isniin August 19,2013.Waxaa galabta magaalada jigjiga ka dhacay isku soo-bax balaadhan oo ay ka qaybqaadanayeen Dhamaanba masuuliyiinta Xukuumada DDSI kana mid ahaaayeen Kusimaha Madaxweynaha iyo wasiir madaxtooyada,Shaqaalaha qaab-dhismeedyada xafiisyada DDSI ee Heer Deegaan,10ka xaafadood ee magaalada Jigjiga iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada magaalada Jigjga.

Isu-soobaxan oo ahayd sand-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay Hogaamiyihii aragtida dheeraa Meles senawi ayaa lagu xaqiijinayay Xusuusta aan duugoobayn ee loo qabo Aabihii horumarka,dimuqoraadiyada,Sinaanta,wadanoolaanshaha iyo isxaqdhawrka Qowmiyadaha,Xoriyada iyo xaqdhawrka Xuquuqaha aasaasiga ah ee Qowmiyadaha,Saraynta Sharciga iyo Askumida Dastuurka Sugay Dhamaanba Xuquuqihii iyo Xoriyaadkii ay talisyadii dhiigmiiradka ahaa Duudsiiyeen Qowmiyadaha raysal wasaare Meles.

Sidoo kale Shaqaalaha Dawlada iyo Dadwaynahan isku soo baxa samaynayay oo ka kala socday dhamaan xaafadaha kala duwan ee magaala jigjiga iyo Xafiisyada Heer Degaan ayaa wadooyinka waawayn ee badhtamaha Magaalada Jigjiga iyagoo safsaf u socda watayna Boodhadh iyo Shamacyo La shiday Si wen u qulqulayay iyagoona ugu danbayntii isugu wada yimid barxada wayn ee hoolka Shirarka SMCX hortiisa.

Dhanka kale Waxaa isusoobaxan kala qaybgalay Bulshada qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna ku sii simaha madaxwaynaha DDSI mudane c/laahi yuusuf weerar isaga oo ku sii-simaha madaxwaynuhu halkaasi kula hadlay dadwaynaha ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay waxqabadkii iyo himilooyinkii horumarineed ee hogaamiyihii Aragtida Dheeraa ato males zinawi.

Mudane C/laahi Yuusuf weerar ayaa Tibaaxay in Muhandiskii Injineerka ka ahaa Horumarka,Kobaca Dhaqaale,Sinaanta,Walaanimo kuwda noolaanshaha Qowmiyadaha iyo Sugida Xuquuqaha Dastuuriga ah ee Meles senawi ka sakow Qowmiyadaha DFI in aynan marna Qowmiyada DDSI aynan marna iloobi Doonin,isagoona ku booriyay Guud ahaan Qowmiyadaha gaar ahaan Qomiyada Soomaalida in ay kaga dhabeeyaan balanqaadkii Sii ambaqaadida ka midhodhalinta qorshayaahii iyo hindisayaashii uu dalka u jeexay Hogaamiyiii aragtida Dheeraa.

Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay mayorka Maamulka magaalada jigjiga Mudane C/risaaq Saxane,Culumaaudiinka DDSI,masuuliyiin ka socoday golaha arimaha ismaamulka, xubno u hadlay dhalinyarada, xubno u hadlay haweenka kuwaasoo dhamantood siwayn uga waramay sooyaalkii taariikheed ee Hogaamiyihii Aragtida Dheeraa Meles Senawi uu ka curiyay dalka Dhinacyada horumarineed,Dimoqraadiyadeed,Dhaqaale,heer Caalami,Geeska Afrika,Biyo-xidheenka Abbay iyo ladagaalanka Saboolnimada.