Kulan balaadhan oo lagu gorfaynayey dar dargalinta hawlaha horumarka iyo sii ambaqaadida himilooyinkii uu jeexay muhandiskii yididiilada Kobaca Dhaqaale Raysal-Wasaarihii hore ato Males Zinaawi oo ka dhacay hoolka shirarka ee SMCX.

Jigjiga(CakaaraNews) Talaado August 20,2013.Sidaan wada ogsoonahay waxaa maanta ay ku beegnay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay dhimashadii hogaamiyihii ilaahay ku manaystay bisaylka,Cadaalada,hal-abuurka,Xaq-dhawrka,Sinaanta iyo garaadka-Maskaxeed,ee Sugay isbedelada,Horumarka,Dimoqraadiyada iyo Kobaca Dhaqaale ee DFI u horseeday in ay haabato kamid noqoshada Wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay,

Dhamaantood iyo kuwo kaleba sida biyo xidheenka Qarniga Abbay waa Astaan Maguuraan ah oo Lagu xasuusan Doono Xili kasta,saacad kasta,daqiiqd kasta iyo ilbiriqsi kastaba Injineerkii Horumarka Ato Meles senawi. Raysal-wasaarihii hore ee dalka ato Males Zinaawi, wuxuu ahaa aabihii sabab u noqday in aan helno horumar aanu mudaba u oomanayn ee aan maanta haysano sida kaabayaasha dhaqaalaha, wadooyinka, laydhka, isgaadhsiinta iyo horumarka aas-aasiga u ah bulshada beeralayda iyo xoolo dhaqato beeralayda ah ee mudada faraha badan kala firidhsanayd kaga bilaw xaqiijinta xuquuqaha lahaanshaha dhulka in ay noloshoodu is badasho iyaga oo ka faa-iidaysanaya aalada casriga ah ee beeraha iyo xoolaha islamarkaana ay noqdeen hantiilayaasha wax-soosaarka iyo Midhaha Saraca iyo Khudaarta Dalka, sidaas darteed maaha mid maskaxda shacabkeena ka tirtirmaysa abid heerka uu gaadhsiiyay Raysalwasaare Melas Zinaawi.

Hadaba Waxaa galabta ka dhacay madasha shirarka ee smc-Xasan kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii dar-dargalin lahaa qorshayaashii shaqo Hirgalin- horumarineed ee uu jeexay raysal-wasaarihii hore ee males ziwaani iyo sidii Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Qaabdhismeedyada Heer Deegaan loogu boorin lahaa sii ambaqaadida iyo ka midho dhalinta Balanqaadkii Taabogalinta iyo ka midhodhalinta Dhamaystirka Hindisayaashii uu Askumay Raysal-wasaare Meles.

waxaana kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta xukuumada ugu sar saraysa oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka ahna ku sii simaha madaxwaynaha DDSI mudane c/laahi yuusuf weerar wasiirka madaxtooyada DDSI mudane c/casiis maxamed cabdi madaxa xafiiska golaha dhexe ee XDSHSI mudane ahmed shugri dhamaan golaha wasiirada DDSI iyo shaqaalaha xafiisyada heer deegaan.

Kulankaasi ayaa waxaa khudbad dheer ka soo jeediyay madaxayne ku xigeenka ahna ku sii simaha madaxwaynaha DDSI md c/laahi yuusuf weerar wuxuuna si qoto dheer uga waramay qorshayaashii horumarineed ee ato males wuxuuna sheegay in uu ahaa aabihii iyo hormuudkiidimuqoraadiyada,horumarka,maamulka-suuban, sinaanshaha iyo walaalnimada-qoomiyadaha,Saraynta Sharciga iyo ku dhaqanka Dastuurka ka hana-qaaday dalka ee sugay dhamaanba Xuquuqihii iyo Xoriyaadkii Dastuuriga ahaa ee ay Duudsiiyeen Qowmiyadaha DFI Talisyadii Dhiigya cabka ahaa. Isaga oo madaxwayne ku xigeenku hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in aan Hogaamiyihii Aragtida Dheer iyo hal-abuurka raysal-wasaare meles Senawi aan ka dhaxalnay hogaamin ay laf-dhabar u tahay daacad nimo, xaqsoornimo, cadaalada,sinaan,firfircooni, shaqo ka madax banaan caajis, musuq, nin jaclaysi iyo eex,ka madax banana isir-nacayb islamarkaana u guntaday in ay ka midho-dhaliyaan Dhamaystirka Qorshayaashii uu u jeexay Dalka una horseedaan Dalka Hogaamin tayo leh oo dalka iyo Shacabkaba ku hogaamisa taladii iyo hanaankii Hogaamineed ee uu Meles Senawi Dhaxal ahaan ugaga tagay Mustaqbalka DFI.

ugu banbayntii ayaa waxa uu madaxwayne ku xigeenku shaqaalaha iyo masuuliyiinta xukuumada ku booriyay in ay qorshayaashii iyo hilimooyinkii raysil wasaarihii aragtida dheeraa ee males zinaawi guntiga ugu xidhaan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen loolana dagaalami lahaa Saboolnimada iyo Gaajada.

Gabagabadiina waxay masuuliyiinta iyo shaqaalaha DDSI balan qaadeen in ay ka midho dhalindoonaan islamarkaana sii xoojin doonaan nidaamkii, qorshayaashii iyo siyaasadihii hogaamineed iyo horumarineed ee laga dhaxlay Riysilwasaareheenii qaaliga ahaa ee Meles Zinaawi