Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xuska Geerida Sanad-jirsatay ee raysal-wasaarihii Odoraska Aragtida Dheeraa oo Ay jaamacada Jigjiga Astaan Ma-Guuraana Uga Dhigeen Dhir-Beeris Lagu Abqaalay Gudaha jaamacada.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco August 21,2013.Guud ahaan Caasimada DFI ee magaalada addis-ababa iyo 9ka Deegaan ayaa shalay si aad u wayn looga wada xusay Munaasabada Sanad-jirsatay ee ka soo wareegtay Geeridii Hogaamiyihii Curinta Isbedelada iyo Aragtida dheeraa Ato Meles Senawi oo ka sakow DFI ahaa Hogaamiye Afrika ay Wada xasuusan tahay kana murugoodeen.

Caasimada DFI ayaa shalay ay ka dhacday Munaasabada 1st Meles memorial iyadoona ay ka soo qaybgaleen Madaxweynayaasha Igad,ergayga USA u qaabilsan Geeska Afrika,Diplomaasiyiin,Qaramada Midoobay iyo marti-sharaf kale.

Hadaba jaamacada Jigjiga ayaa iyaduna Dhankeeda Muujisay ilaa Heerka ay gaadhsiisan tahay Xusuusta iyo oofinta Balanqaadkii Hiigsiga ka midho dhalinta Qorshayaashii Meles zenawi uu u jeexay Dalka iyo Dhaxalkii Dastuurka ee uu Dalka uga tegayba. Jaamacada Jigjiga ayaa dhir-beeris astaan u ahHirgalinta Horumarka Cagaaran ee uu Meles Zenawi Askumay ku sameeyay gudaha jamacada Jigjiga si loo iftiimiyo xusuusta taariikhda ma guuraanka ah ee uu dhaxalka shucuubta iyo Qowmiyadaha itoobiya ugaga tegay.

Madaxwaynaha Jaamacada Jigjiga Dr C/naasir oo ka hadlay Munaasabada Dhul-beerista taariikha iyo Xusuusta ma guuraanka ah ee Jiilka soo koraya ee loogu talogalay raysal-wasaarihii Hal-abuurka iyo la dagaalanka Saboolnimada Meles senawi ayaa Carabaabay In jaamacad jigjiga ay Dhexda u xidhatay dhaqangalinta iyo ka midho dhalinta balanqaadyadii Dhaxalka Qorshayaashii Horumar,isbedel kobac dhaqaale ee Meles Zenawi.

Sidoo kale shaqalaha iyo ardayda wax ka barata jamacada jigjiga ayaa iyaguna dhankooda balan-qaaday inay siwadi doonan dhirbeeristan-Astaanta u ah Horumarka Cagaaran iyo la dagaalanka saboolnimada iyo gaajada.