Deg-Deg:-Inaalilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun Geeri Naxdin Leh Madaxii Arimaha Siyaasada Xarunta Dhexe ee XDSHSI oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday.

Mojo(CakaaraTacsi) Khamiis August 22,2013.Madaxweynaha DDSI ahna G/xigeenka XDSHSI,Afhayeenka Baarlamaanka Ahna Gudoomiyaha XDSHSI,Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Xoghayaha XDSHSI,Gudiga Fulinta XDSHSI,Golaha Dhexe ee XDSHSI,Golaha Capinetka DDSI iyo Guurtida Odoyaasha DDSI waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan u dirayaan Qoyskii,ehelkii,Qaraabadii iyo Shacbiga DDSI ee uu ka geeriyooday Marxuum Saleebaan Axmed (Saney) oo maanta Shil Baabuur ku Geeriyooday lehna Wadar ahaanteen Samir iyo Iimaan ilaahay ha inaga siiyo Marxuumkana Naxariistii Jano ilaahay ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Taariikh Nololeedka:- Marxuum Saleebaan Axmed Xasan(Sanay) -da'diisa 34 Jir wuxuuna ku Dhashay Filtu.

Heerka Waxbarashadiisa>- Marxuumka ayaa ilaa Dugsi sare ku Soo qaatay Nagayle Borrama,ka dibna waxbarashadiisii ugu horaysay ee heer jaamacadeed ku soo Qaatay Diploma Kuliyada Tabarada Macalimiinta(Kotobe),ka dib ayaa uu Jaamacada Haramaya University uu ka Qaatay Shahaadada Degree isagoona Geerida ka hor ku Jiray waxbarashada Master.

Xilalka uu Soo Qabtay.

-Waxa uu ka noqday Madax Xafiiseedka Waxbarashada Degmada Filtu.

-Waxa uu agaasin Sare ka soo noqday Xafiiska Waxbarashada Heer Deegaan.

-Waxa uu Madaxa Arimaha Xisbiga ka noqday Gobolka Shiniile.

-Waxa uu Marxuumku Qadarka eebe ee ku timid ka hor ahaa Madaxa Arimaha Siyaasada ee Xarunta Dhexe ee XDSHSI. Marxuumka ayaa Ifka kaga tagay 3 Gabdhood,Hal Wiil iyo Hal xaas.

Qadarka eebe Ayaan la baajin karine marxuumka ayaa maalmahan shaqo u joogay Addis-ababa ka dibna markii ay saaka u soo ambabaxeen Dhanka Jigjiga iyagoo soo maraya Magaalada Moojo oo aan wax saasa ka soo durugsanayn Addis-ababa uu Baabuurka oo uu u waday Dirawal wadada kala baxay kuna dhacay Geed halkaasna ku geeriyooday.