Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Geeri Arooskeed:- Aas Qaran oo Maanta Ka Dhacay Xabaalaha Sheekh Nuur Ciise ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraTacsi) Jimce August 23,2013.Waxaa maanta si heer Qaran ah Geeri-Arooskeed Loogu aasay Xabaalaha Sheekh Nuur Ciise ee Magaalada Jigjiga Marxuum Saleebaan Axmed Xasan(Sanay) oo aan loo kala hadhin. Aaskan Heer Qaran ayaanan loo kala hadhin haday ahaan lahayd madaxda ugu sarsaraysa Xukuumada,XDSHSI,Capinetka,Wasiirada,Golaha Baarlamaanka DDSI,Culumaaudiinka,Ganacsatada,Madaxda Golaha Federationka DFI,Ururada Asxaabta Bahwadaagta,Qurbajoog,Ehelka,Ururada Bulshada iyo Aabihii dhalay MArxuumka Mudane Axmed Xasan(saney).

Gudoomiyaha XDSHSI ahna Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Maxamed-Rashiid Isaaq oo ka hadlay Xabaasha Dusheeda ayaa ugu horayn uga tacsiyeeyay Xisbiga,Aabihii Dhalay,Xukuumada iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuumku balanqaadayna in xisbiga talada deegaanka haya iyo Xukuumaduba gacanqaban doonaan Qoyskii iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuum Saleeban Axmed yidhina"Samir iyo iimaan ilaahay ha inaga wada siiyo Marxuumkana naxariistii janatul fardawsa ilaahay ha ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna ku-simaha Madaxwaynaha DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa u tacsiyeeyay aabaha Dhalay marxuumka,Qoyskii,Caruurtii,XDSHSI,Xukuumada DDSI iyo Shacabka Deegaankaba,xukuumad ahaana balanqaaday in ay kafaala qaadi doonaan daryeelka Nolosha Caruurtii iyo qoyskii uu ka tagay marxuumku.

Dhanka kale aabaha dhalay Marxuumka Axmed Xasan (Sanay) ayaa mar ay xabaasha dusheeda ugu tacsiyaynayeen Gud,XDSHSI ahna Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamed-Rashiid Isaaq,Madaxwayne ku-xigeenka ahna siihayaha Xafiiska Madaxwaynaha DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Madaxwayne ku-xigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Madaxwayne-kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo H/guud Mudane C/xakiin Cigaal Cumar,Wasiiro,Xildhibaano iyo Madax kale ayaa uu Aabe Axmed Sheegay in uu ku samrayba sida Weyn ee Qiimaha badan ay xukuumada iyo Xisbiguba uga qayb qaateen Aaska Wiilkiisa yidhina"Waxaanba ku samray sida Qaran ee lagu aasay wiilkayga iyadoonan Qadarka Eebe aan la Baajin karin Qornaydna".

Salaadii Jinaasada ayaa lagu tukaday Masaajidka ugu wayn Jigjiga oo ahayd Salaadii Jimcaha iimaamkuna sheegay in marxuumku ehelu jano yahay marka loo eego maalinta,khalqiga ku tukaday,culumada ku kulantay iyo Xukuumadii iyo Xisbigii oon qof ka hadhin Aaska Marxuumka allena uga baryay Naxariistii jano in uu ilaahay ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.