Kulan-Wadareed Diirada lagu saarayay tayaynta Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Jigjiga oo ay Isugu yimaadeen Qaar ka mida Xafiisyada Heer-Deegaan iyo Hay’ada Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce August 23,2013.Kulankan oo ay soo diyaarisay hay’ada lagu magacaabo Hay’ada horumarinta iyo iskaashiga Swiss-agency development and cooperation (SDC) oo ah hay’ad heer caalami oo laga leeyahay wadanka Switzerland kana hawlgasha Dalka itoobiya,islamarkaana xarunteeda ugu wayn ku taalo magaalada Adis ababa. Hadaba Hay’adan oo Dhawaan ku soo biirtay hay’adaha Deeqda Bixiya ee ka hawlgala Deegaanka Soomaalida ayaa waxay kulan la yeelatay masuuliyiin ka kala socday qaarka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo Maamulka Magaalada Jigjiga kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xafiiska madaxtooyada DDSI,xafiiska khayraadka Horumarinta biyaya DDSI, xafiiska caafimaadka DDSI,xafiiska maamulka magaalada jigjiga iyo wakaalada illaalinta deegaanka iyo khayraadka DDSI.

Kulan-wadareedkan ayaa ay ujeedada ugu way nee looga gol-lahaa ahayd sidii looga wada xaajoon lahaa hirgalinta Qorshaha daraasaad lagu sameeyay Magaalada jigjiga habka loo maareeyo Qashinka Qoyan iyo qalalan ee magaalada jigjiga si iyadoo la adeegsanayo Qalab casri ah Goobo Cayiman loogu samayn lahaa. Gole-wadareedkan ayaa ay ku sugnaayeen wasiir ku-xigeenka xafiiska Horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Fuaad Bashiir,la taliyaha madaxwaynaha DDSI mudane Ilyaas cumar iyo maareeyaha ismaamulka magaalada jigjiga mudane Cabdi Shugri iyo Madaxda ugu saraysa Hay’ada SDC.

ugu horayntii kulankaasiayaa waxaa furay maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane cabdi shugri oo u mahad celiyay masuuliyiinta ha’yada SDC oo ah hay’ada fulinaysa soona qaabaysay Daraasaadka iyo Fulinta Qorshaha kor loogu soo qaadayo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Jigjiga.

Maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa tibaaxay In Bilicda Magaalada Jigjiga Sanadihii ugu danbeeyay kor u kacay si xawli ah iyadoona Xukuumada Maanta talada deegaanka haysaa ay Ahmiyad gaara siisay Tayaynta Quruxda iyo Bilicda Jigjiga,sidoo kalana Madaxweynaha DDSI,masuuliyiinta ismaamulka magaalada jigjiga,qanacsadada iyo shacabkeeduba yihiin kuwo markasta ku baraarugsan kor u qaadida iyo qurxinta magaalada jijiga,islamarkaana Diyaar u yihiin si farxadeed in ay hay’adan gacan wayn ku siiyaan hirgalinta Qorshaha ay kor ugu qaadayso Bilicda iyo maaraynta qashinka magaalada jigjiga.

La-taliyaha madaxwaynaha DDSI mudane ilyaas cumar oo ka hadlay furintaakii kulankaasi ayaa waxa uu siwayn u soo dhaweeyay qorshaha ay soo bandhigeen haayadaasi oo ah mid siwayn ay xukuumada iyo hay’aduba daraasaad ugu sameeyeen wuxuna sheegay in ay ka xukuumad ahaana ay soo dhawaynayaa qorshe kasta oo kala qayb qaadanaya xukuumda horumarinta caasimada jijiga iyo guud ahaan deegaankaba wuxuuna masuuliyiinta hay’ada iyo dhamaan xafiisyada ay khuseeyo qorshahaniba ku booriyay in ay u meel mariyeen sidii loogu tala galay gacana uga siin lahaayeen SDC.

Sidoo kale waxaa isaguna ka hadlay kulankaasi wasiir ku-xigeenka xafiiska horumarina khayraadka biyaha DDSI mudane fu,aad bashiir isaga oo si qoto dheer uga waramay ahmiyada uu qorshahani u leeyahay horumarinta caasimada jigjiga wuxuna shegay in ay ka xafiis ahaan si hufuna ula shaqayn doonaa hirgalinta qorshahaasi.

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada hay’ada Swiss-agency development and cooperation (SDC) ayaa waxay sheegeen in maadaama oo ay magaalada caasimada deegaanka ee jijiga tahay magaalo ku socota xaweere-horumarineed oo aad u dheeraynayay labadii sano ee ugu danbaysay islamarkaana aan ku ogaanay tartan aanu u qanbanay magaalooyin badan oo dalka ku yaala kuna qiimaynaynay dhinaca horumarka ka socda Deegaanada DFI ayaa waxaa ku guulaysatay in aan qorshan ka fulino xarunta deegaanka ee jijiga waxayna sheegeen in ay sidii uu ahaa u fulin doonaan mudo aad u gaabana ku fulin doonaan qorshahaasi hirgalintiisa