Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha DDSI oo Beri u ambabixi Doona wadanka Shiinaha.

Addis-ababa(cakaaraNews) Axad August 25,2013.Warar xog ogaal ah oo goor dhawayd ku soo dhacay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa xaqiijinaya in maalinta beri ah uu u ambabixi Doono Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar cariga Shiinaha.

Sida warku nagu soo gaadhay Socdaalkan oo ahaa Mid Qorshaysan ayaa ku wajahan in Xukuumada Deegaanka soomalida ka dib talo ay ka heshay Dawlada Federalka in sanadahan soo socda ay culayska saari doonaan Dhanka Qodaaka iyo Beerista Bariiska taasooy aqoon kororsi iyo khibrad ka soo qaadan doonaan Dalka Shiinaha oo caan ku ah beerashada dalagyada Bariiska.

Socdaalkan madaxweynuhu uu ku tagayo Cariga Shiinaha Ayaa ahaa mid Qorshaysnaa oo ay Xukuumada iyo DFI kula tacaalayaan Saboolnimada iyo Gaajada si loo Sugo Damaanada Cuntada(Food Security),taasoo Qorshayaasha ugu Waawayn ay Tahay sidii Bulshada loogaga faaiidayn lahaa saracyada Beeraha.talaabadanina waa mid ay Xukuumadu Xooga ku saarayso Sidii Deegaanka Soomaalida Itoobiya looga Beeri lahaa Dalagyada Bariiska Maadaama Deegaanka Alle ku manaystay Dhulbeereed Ku Haboon iyo Wabiyo aan gu'in G' iyo Jiilaalba.


Dhanka warshadaha ayaa Deegaanka laga Dhisi Doonaa warshada Noocyada Dharka maadaama Deegaankeena Siiba Goday ay Hodan ku tahay Beerista Suufka ugu waaagsan dalka oo uu ka baxo kuna yaalaan Beero suuf ah,talaabadan ayaa noqonaysa mid ay xukuumada DDSI ugaga faaiidaynayso Shcabka khayraadka Suufka laga sameeyo Noocyada Dharka taasoo wax wayn ka tari doonta ka kaaftoomida Dhararka dalka Dibadiisa laga keeno ee laga soo sameeyo Dhoofinta Suufka.


Sidoo kale waxaa laga dhisi doonaa Deegaanka Warshado waawayn oo ah Sonkorta taasoo ay ka Qayb qaadan doonaan Qurbajoogta awooda u leh.


Dhanka kale Wafti kale ayaa ku xigi Doonaa Socdaalkan madaxweynaha oo iyaguna u daba mari doona Dalka Shiinaha 2bo todobaad ka dibkuwaasoo ay ka mid yihiin masuuliyiinta Xafiisyada ku shaqada leh waxsoosaarka iyo Kobcinta Awooda kana mid yihiin madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Horumarinta Warshadaha iyo Magaalooyinka Mudane /xakiin Cigaal Cumar,wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda Mudane Khadar Cabdi Ismaaciilwasiirka Beeraha DDSI Mudane C/risaaq Cal Baashe,wasiirka Xafiika Horumarinta Dooxooyinka iyo wabiyada Mudane C/wahaab Rashiid.

Isku Soo wada soohoo Talaabooyinkan iyo kuwa kalaba ayaa ka mid ah Qorshayaasha Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale GTP ee ay sida xawliga ah Xukuumada DDSI iyo DFI kula tacaalayaan Saboolnimada iyo Gaajada iyadoona Xukuumada DDSI lagu amaanay isbedelada Horumarineed iyo Kobaca dhaqaale ee ay sida xawliga ha Mudo yar uga dhaqangalisay Deegaanka natiijooyin wax ku oolana uga Gaadhay barnaamijka Damaanada Cuntada(Food Security)