Ogaysiis:Ururka Dhalinyarada SEDYO oo Qabanqaabinaya Kulan Balaadhan oo Loogu yaboohayo Caruurta Agoonta Dugsiga Hoyga iyo waxbarashada oo Ka Dhici doona.

Mnniapolise(CakaaraNews) Axad August 25,2013.ururka dhalinyarada ayaa Dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka kooban yahay kuna Dhaqan gobolka Minnesota iyo nawaaxigiisa ee Hore loogu yiqiin ka qaybqaadashada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka suuban in ay ka soo qayb galaan barnaamij lagu qabandoono Minniapolise oo ay ujeedadiisu tahay Sanduuq loogu yaboohayo Deeq la gaadhsiiyo caruurta agoonta ah ee ay nabaddiidku waalidtireen ee ku xaraysan Dugsiga Hoyga iyo waxbarashada Fiiq iyo Jigjiga.

Ururka Dhalinyarada SEDYO ee Minniapolise ayaa Ayidsan Taageerada buuxda iyo Garabka wayn ee ay markasta jaaliyada DDSI ee Minnesota(Minniapolise) ka helaan la'aantoodna uunan Ururka iyo iskuduubnidoodu halkan soo gaadheen islamarkaana uga mahadnaqaya jaaliyada DDSI ee Minniapolise taageeradooda Wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay mar kasta la garab taagan yihin.

Munaasabadu Waxa ay ka Dhici doontaa ,EVENTI LOCATION LAKE VIEW HALL , 417 E. LAKE STEER MPLS MN.

Maalinta ay Dhici Doonto: Habeenka Jimcaha Taariikhda Munaasabadu Dhici doonto:- Septembar 06,2013. Saacada:-8:00 PM

F.G:-Wixii faah-faahin dheeri ah waxaad kala xidhiidhi kartaan

1-Cabdi-nuur Xasan Weli Tell:-+6125324626 iyo

2-saylici Haajir Qalinle Tell:-+ 612 9876776