Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Fanaaniintii iyo Abwaanadii Dhawaan Soo Gaadhay Magaalada jigjiga ee ay hogaaminayeen Hooyada fanka qarniga Khadra Daahir Cige iyo Abwaan Cabdi-qays oo shaaciyay wakhtiga ay dhigayaan bandhig-faneed

idaan wada ogsoonahay waxaa xarunta deegaanka ee jigjiga sanaddihii ugu danbeeyay soo gaadhayay abwaano iyo fanaaniin magac wayn ku leh, guud ahaanba aduunka gaar ahaana gayiga ay dadka ku hadla afka soomaligu degaan, taasoo ay suurto-galisay sal u dhigida xidhiidhka wanaagsan ee ay xukuumada dawlada deegaanka soomalida itoobiya (DDSI) la leedahay guud ahaanba caalamka gaar ahaana wadamada aan dariska nahay ee dhaqanka,diinta,luqada iyo haybtu ka dhaxayso balse juquraafi ahaan ku kala duwan,walow ay xukuumaddihii hore ee ka soo talin jiray deegaanka iyo maamulada wadamada derisku uu caad wayni ka saarnaa is dhaxgalka iyo xidhiidhka lala yeesho wadamada dariska iyo caalamka intiisa kaleba.

Haddaba waxaa dhawaan soo gaadhay xarunta jigjiga ee caasimada DDSI wafti fanaaniin iyo abwaano iskugu jiro oo ay hogaaminayeen hooyada, hormuudka fanka qarniga Khadra Daahir Cige iyo abwaanka wayne ee caanka ku ah, taariikhda suugaanka soomalida mudane Cabdi Qays. Sidoo kale wafigan iskugu jira fanaaniinta iyo abwaanada ayaa waxaa kale oo ka mid ah fanaaniin caan ka ah guud ahaanba wadamada lagaga hadlo afka soomaliga oo ay ka mid tahay fanaanada caanka ah oo iyadu ka soo jeeda degaanka somalida itoobiya marwo sahra ilays, canab diiriye, tiriig xaashi, Cabdi faacuul,Axmed Wacays,Abiib,faysal iyo Guray iyo waliba abwaaniin iyo fanaaniin kale.

mar uu saaka fursad u helay wariyaha cakaara ayaa waxaa waraysi gaar ah siisay wariyaha shababakada wararka CakaaraNews, hooyada fanka qarniga khadra daahir cige waxayna ugu horayntii uga warantay wariyaha sidi qiimaha badnayd ee ay xukuumada DDSI iyo shacabkuba ugu soo dhaweeyeen deegaanka iyadoona ku bilawday hadalkeeda” waxaan ugu horayntii siwayn ugu mahad celinayaa xukuumada DDSI ee uu hormuudka u yahay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar,golahiisa wasiirada iyo dhamaan shacabwaynaha DDSI waxaan marnaba aan maskaxdayda ka go’ayn sida qiimaha iyo qadarinta mudan, ee ay ku dheehan tahay shucuurta walaallimada ee ay xukuumada iyo shacabka DDSI noogu soo dhaweeyeen caasimada deegaanka jigjia islamarkaana xadka wajaale nagaga horyimaadeen ” . hooyada fanka qarniga marwo khadra daahir oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay isku qaban la'adahay aragtidii ay markii hore ka aaminsadayd ama ka qabtay Guud ahaan Deegaanka gaar ahaana caasimada jigjiga iyo Muuqaalka Qurxoon ee ay indhaheeda ku daalacatay markii ay Jigjiga Timid Tidhina” markii aan hargaysa iyo Uk joogay waxaan jigjiga ka aaminsanaa meel aanu horumarkan intan le'eg iyo mid u dhawtoona uunan ka jirin maadaama ay Dhegahayaga ku dhacayeen kaliya Beenta iyo mala-awaalka nabad-diidku Dibadaha la wareegayeen. Waxaanse aad ugu muusooday markii aan jigjiga cagaha soo galiayay arkayna Isbedelada Horumar-kobac dhaqaale oo aan ka jirin guud ahaanba Maamulada kale ee ay Degaan soomaalidu sida dhismayaasha Dhaadheer ee ku teedsan wajahadaha magaalada Jigjiga,wadooyinka isugu jira Laamiga iyo kuwa Dhagaxa Qoran,warshadaha,mashaariicaha Waxsoosaarka dalagyada iyo midhaha,Kuliyadaha daboolay jaahilnimadii,Jaamacada wayn ee Jigjiga Dhigtaana Kumaankumka Arday,Nidaamka Hogaaminta iyo Maamulka Suuban,Nidaamka Dawladeed ee Dhamaystiran,Luqada Waxbarashada Deegaanka oo ah Afka Soomaaliga,Agabka Dhaqanka iyo Gacan ku haynta Dhaqankii Soomaalida.

Marwo khadra ayaa sheegtay in labada shacab ee somaaliland iyo shacabka DDSI ay yihiin dad wada dhashay oo walaalo ah islamarkaana ay hada xidhiidhkooda iyo isdhaxgalkooda ay sii wanaajisay xukuumadaha haatan ka daliya DDSI iyo tan Somaliland.

Ugu danbaytii marwo khadra daahir cige hooyada fanka Qarniga oo ku hadlaysay afka waftiga ay hogaaminaysay ayaa waxay si wayn u shaacisay wakhtiga ay dhigayaan bandhig-faneedkooda oo ay waayadanba naawilayeen Shacabka Jigjiga iyo Nawaaxigooda sheegtayna in ay Qaban doonaan Habeenka Arbacada,Bishuna tahay 27, 8 2012 6da ama 12ka fiidnimo Goobtuna waa Hoolka Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee Badhtamaha Magaalada Jigjiga kuna soo gunaanaday "Hilbo Wada Dhashiyo Hayb Qudhaynu Nahay"