Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ogaysiis:Dhamaan Ardayda Soo Dhamaysatay Waxbarashada Dalka Heerka Jaamacadeed ee Degreega 1aad iyo 2aad Sanadkii 2005.T.I in ay Nuqulka Waxbarashadooda Ku Soo Xareeyaan Xarunta Dhexe ee XDSHS iyo 25ka Bishan Shir Ka Dhici Doona Hoolka SMCX.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin August 26,2013.Madaxa Xarunta dhexe ee XDSHSI mudane axmed maxamed shukri ayaa waxaa uu ku wargalinayaa Dhamaanba ardayda Deegaanka u dhalatay ee waxbarashada Jaamacadaha Dalka soo dhamaysatay Degreega 1aad iyo ka 2aad ee Sanadkii tegay 2005.T.I in ay Nuqul ka mida cadaymahooda waxbarasho(Student-Copy) Ku Soo Xareeyaan Xarunta Dhexe ee XDSHS iyo 25ka Bishan Shir Ka Dhici Doona Hoolka SMCX. Madaxa Xarunta dhexe ee XDSHSI mudane axmed maxamed shukri ayaa waxaa uu ku wargalinayaa Dhamaanba ardayda Deegaanka u dhalatay ee waxbarashada Jaamacadaha Dalka soo dhamaysatay Degreega 1aad iyo ka 2aad ee Sanadkii tegay 2005.T.I in ay Nuqul ka mida cadaymahooda waxbarasho(Shahaadada iyo Student Copy) ku soo xareeyaan Xarunta Dhexe ee XDSHSI Magaalada Jigjiga.

Dhanka kale Dhamaanba Ardayda soo dhamaysay waxbarashada Jaamacadaha Dalka Sanadkii tegay waxaa la ogaysiinayaa in ay ka soo qaybgalaan shir uu xisbigu ugu Qabanayo Hoolka shirarka ee Sayid maxamed Cabdule Xasan Taariikhdu markay tahay 25ka bisha Nahasse 2006.T.I,halkaasoo lagala hadli doono arimo la xidhiidha mustaqbalkooda iyo shaqaalaysiintoodaba.