Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg-Deg:Khilaafaadkii Soo-jiitamay ee u Dhaxeeyay DFS iyo Jubaland oo Nabad iyo Jawi Wanaagsan Ku Dhamaaday Galabta Magaalada Addis-ababa.

Waxaa maanta galinkii danbe lagu soo gunaanaday wada-hadalo socday todobaad una dhaxeeyay DFS iyo Maamulka Jubaland oo ay ka qaybqaadanayeen wakiilo ka kala socday labada dhan oo shir uu uga socday Caasimada DFI ee Addis-ababa. wadahadaladii u dhaxeeyay DFS iyo Jubaland oo maanta galinkii danbe ku soo gunaanadmay Is-afgarad iyo jawi haboon ayaa ay u kala dabqaadayeen ama dhexdhexaadinayeen Wadamada Itoobiya iyo Kenya oo ka mid ah urur-goboleedka IGAD,Beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay(UN),islamarkaana qalinka ku duugeen heshiis ay labada dhinac ku qanacsan yihiin ahna WIN WIN Strategy.

Hadaba Beri galinka Danbe ayaa ay Xaflada lagu soo gunaanadayo Khilaafaadkii u dhaxeeyay labada dhinac ayaa ay ka dhici doontaa Hotel-Sheraton ee magaalada Addis-ababa. Dhanka xukuumada DDSI ayaa uu uga qaybgali doonaa Xaflada Gudoomiyaha Gobolka Shabeele,ahna Xubin gudiga fulinta XDSHSI Mudane Cabdi Xuseen oo Khibrad iyo waayo aragnimo dheeraada u leh Ariamaha noocan oo kale ah lana halmaala khilaafaadka Gobolka,islamarkaana Shaqooyin natiijo wanaagsan dhalay ka soo qabtay dalalka Deriska Sida Kenya.

Talaabadan ay labada dhan Qaadeen oo labada dhanba hoosta ka xariiqeen ayaa ku jihayn doonta in ay dawladu u dhaqaaqdo Dhanka horumarka iyo Xasiloonida Dalka soomaaliya oo burbursanaa in ka badan 20 sano siina xoogaysato iskuduubnida shacabka walaalaha ah.