Hooyada Fanka Qarniga iyo Abwaan Cabdi-qays oo Ku Soo Bandhigay Xalay Hoolka SMCX Riwaayad Loogu Magac Daray (Dayaxii Sareedada) iyo Shacabka Reer Jigjiga oo Sangaalihii Ka soo Dhacay.

Talaado(CakaaraNews)Bandhig-Faneed ku duxay Qalbiyada dadwaynihii Xiisaha u qabay maalmahanba in ay nasiib u helaan Riwaayad ay daadihinayaan Hooyadii Fanka Qarniga Khadra Daahir Cige iyo Abwaanka caanka ku ah hal-abuurka iyo Curinta Murtida Maansada Cabdi-qays ayaa xalay ka dhacay Hoolka Shirarka SMCX. Riwaayada oo Ka soo Duxday Maskaxda Abwaanka ayaa loogu magacdaray Dayaxii Sareedada islamarkaana ay buuxdhaafiyeen Hoolka dadweyne Boqolaal kor u dhaafay,halka ay ka buuxsantay Dadwayne ka tiro badan Inta Nasiibka u Heshay Fadhiga iyo Istaaga Masraxa.

Sidii Qorshaha barnaamijka soo bandhigida Riwaayadu ahaa waxaa sidii loogu talogalay bilaabmay Riwaayadii la magacbaxday Dayaxii Sareedada oo ay Daadihinaysay Hooyada fanka Qarniga Khadra Daahir Cige oo ay wehelinayeen Fanaaniinta caanka ka ah S/land sida Sahra Ilays. Sidoo kale waxaa kaalin libaaxeed ka qaadanayay Masraxa xalay Abwaanka Da’da-yar ee Curinta Murtida Maansada iyo hal-abuurka Axmed Budul,kooxad hormuud band iyo Abwaankii ay maskaxdiisa ka soo maaxatay Heestii Xusuusta aan dugoobin ku reebtay Khadra daahir cige iyo Abwaan C/qays “Isma huri karnoo hilbo wada dhashiyo hayb qudhaynu nahay”.iyo Halyeeyada kooxda fanka liyupolice.

Dhanka kale waxaa ka qaybgalay Riwaayada Dayaxii sareedada Qaar ka mida Golaha capinetka Dawlada Sida Wasiirka Xidhiidhka Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska,wasiirka xafiiska Beeraha DDSI,wasiirada xafiiska horumasrinta khayraadka biyaha DDSI,kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Dooxooyinka,lataliyaha xafiiska Madaxwaynaha Dhanka Sanduuqa Horumarinta,Mayorka maamaulka Magaalada Jigjiga iyo Wasiirka Xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS Mudane C/lahi Cabdi Adar(Hurre).

Ka hor intaan la bilaabin riwaayadii ayaa Bandhigan oo ahaa mid aad u qurux badan ayaa waxaa ugu horayntii Masraxa soo hor istaagay Dadweynihii iyo masuuliyiintii daawanaysay Bandhiga Masraxeedka hooyada fanka qarniga khadra daahir cige iyo abaanka wayn ee cabdi qays halkaasoo sacab lgu dhuftay,islamarkaana markii ay Khadra Daahir Codbaahiyaha Midigaysatay kagana dhawaajisay mid ka mid ah heesaheedii waayo waayo ayaa halmar la isku wada daray Sawaxan lana buuxdhaafiyay masraxii.

waxaa intaasi ka dib si toos aha loo Guda-galay soo Silsiladii riwaayadii la magic-baxday Dayixii sareedada oo ka soo maaxatay Maskaxda Abwaan Cabdi-qays,taasoo si toos ah ugu turjimaysay riwaayadani Badhaadhaha horumarka,nabad-galyada iyo maamulka suuban ee laga yagleelay kana tisqaaday Guud ahaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Heshay Hogaamin Aragti Dheer oo Hanatay Maskaxda iyo Indhaha Caalamka iyo dalalka Deriska ah.

Ka soo qaybgalayaasha ayaanan marna ku nagaan Fadhiga oo laabta la soo kacayay,islamarkaana masraxa Sangaalaha iskaga Soo tuurayay ka dib ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka(Dhaantada) iyo Heesaha talantaaliga ah ee ay isu jiibinayeen Khadra Daahir iyo fanaaniinta Somali-land,sidoo kalana Heesta Hirgashay ee ay talantaaliga isugu jiibinayeen Abwaan Axmed Budul,Bashiir iyo fanaanada Da’da yare e Hormuud lana magic baxday Isma huri karnoo hilbo wada dhashiyo hayb qudhaynu nahay. Ereyada Murtida Riwaayada ayaa ay ka mid ahaayeen”Ushii Geela Lagu Raaci Jiray waa laga Tagoo Foodhi Casriyaa Geela lagu Raacaa”taasoo oo uu abwaanku ku micneeyay Horumarka baaxada way nee hafiyay Shacabka DDSI iyo Mobileka Geela lagu Raaco ee Deegaanka ka taabo galay.

Isku soo wada-soohoo Fari kama Qodna bandhig-faneedkan oo Caawa ayay mar 2aad ugu celin doonaan Reer Jigjiga iyo Nawaaxigeeda oo xalay markay ka buuxsantay tubnaa dariiqyada magaalada Jigjiga.