Bisha Bagume 3deeda Waxaa Ka Dhici Doona Hotel Sheraton Xaflad Loogu Gogol-xaadhayo Hidar 29 Laguna Soo Bandhigi Doono warbixinta Horumarka Xawliga ah ee 3 Sano Gudahood Ka Taabo-galay DDSI,bandhiga Dhaqanka iyo Hidaha iyo Taageerada DFI siiso DDSI

Addis-ababa(CakaaraNews)waxaa ka furmi doona 3da bisha bagume maalin ka hor sanadka Cusub Hotel Sheraton ee magaalada Addis-ababa Xaflad balaadhan oo lagu soo Bandhigi doono Dhaqanka iyo Hidaha DDSI iyo Horumarka iyo Isbedelada Kobaca Dhaqaale ee ka Taabo galay Deegaanka soomaalida 3dii sano ee ugu danbeeyay si looga qaato Khibrad tabihii Xukuumada DDSI u sahlay Hirgalinta Horumarka wajiyada Badan Mudo 3 sano ah. xafladan oo ay soo qabanqaabinayaan Golaha Federationka DFI ayaa ay Hormuud u yihiin Afhayeenka Golaha Federationka DFI Mudane kasa Tekla Burhan iyo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,islamarkaana ay ka soo qaybgali doonaan Ergooyin kor u dhaafaya 1000 oo ka kooban madaxda ugu saraysa DFI,Madaxda Deegaanada DFI,Diplomaasiiyinta Safaaradaha,Maalqabeenada Reer Addis-ababa ugu waawayn,Odoyaasha Dhaqanka Deegaanada DFI,masuuliyiin ka socda DDSI iyo Kooxaha fanka iyo dhaqanka DDSI.

Ujeedooyinka ugu waawayn ee looga golleeyahay Munaasabadan ayaa ah Gogol-xaadhida Xuska 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo walaalnimada Shucuubta oo lagu qaban doono Jigjiga, in lagaga hadlo si khibrad iyo waayo-aragnimo looga qaato Tabihii ay u isticmaashay Xukuumada DDSI in ay 3sano Gudahood ku Hirgaliso Horumarka Baaxada wayn.in lagu dhagaysto Warbixinada Booqashooyinkii ay Deegaanka ku yimaadeen waftiyo kala duduwan oo ka socday Golaha Federationka DFI,Hobolada Caanka ka ah DFI,abwaanada,Qorayaasha iyo Madaxda Deegaanada DFI oo Qaadan waa ay ku noqotay Isbedelada Horumar,N/galyo iyo Maamul suuban ee sida xawliga ah uga taabogalay DDSI kuwaasoo Qiray in ay DDSI boqolkiiba sagaashan(90%0) ay dhamaystirtay Diyaargarawgii Xuska Hidar 29.

Xafladan nooceeda oo kale ayaa ah markii ugu horaysay abid ee ka dhacda Dalka iyadoo aad loogu hanwayn yahay in Khibrad iyo Waayo aragnimo lagaga qaato Warbixinta xukuumada DDSI ay ka soo jeedin doonto Horumarka xawliga ah ee 3da sano ay hirgalisay tabihii ay raacday ee u sahlay si khibrad iyo waaayo aragnimo looga qaato.

Hada ka hor ayaa ay shir-jaraaid siwada jir ah u qabteen afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya mudane Kase Tekle Birhan,xubnaha hogaaminta ee gudiyada cilmibaadhista,hal abuuraka Hibir-Ethiopia,sertse firebhut iyo waliba testaye shimelis ayaa waxay sheegeen in bandhigyo iyo dhacdooyin la xidhiidhka taariikhda iyo dhaqanka deegaanka somalida taasoo lala xidhiidhin doono xuska 8aad ee maalinta qoomiyadah dalka itoobiya oo bisha Hidaar 29keeda lagu xusi doono xarunta DDSI ee jigjiga.

Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ayaa waxaa lagu sheegay in suugaan yahanada, hal-abuurada iyo farshaxamiistayaashu ay soo bandhigid oonaan waxay ku soo arkeen socdaalkii dhawaan ay ku booqdeen goobaha taariikhiga ah ee deegaaanka soomalida itoobiya iyo Isbedelada Horumarineed ee xawliga ah ee ka dhaqan galay deegaanka xili gaaban.

isku soo wada Duuboo kaladuwanaanshaha Diimaha,Dhaqanka,luqada iyo Qowmiyadaha ayaa ah Quruxda iyo isjacaylka Walaaalnimada Shucuubta iyo qowmiyadaha Itoobiya.