Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa ee DDSI oo ay seeftiisu Dul-heehaabayso Qaar Ka Mida Xafiisyada Heer Deegaan Waa Kuwee?Warbixin Xasaai Ah.

 Jigjiga(cakaaraNews)Jimce August 30,2013.Si looga midho dhaliya qorshayaasha iyo hilimooyinka horumarineed ee u dalka iyo deegaanku hiigsanayaan, siloo dhimo saboolnimada islamarkaana la taamyeelo horumarka iyo dimuqoraadiyada,Si loogu guulaysto Hindisaha la dagaalanka Saboolnimada ayaa sidii aad horeba ugu aragteen bogaga mareegta wararka ee cakaaraNews DFI laga yagleelay Komishinka Anshaxa iyo kahortaga Musuqa islamarkaana la hirgaliyay komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa.

Sidoo kale xukuumada DDSI oo dadaal dheeriya ugu jirta ka midho dhalinta qorshayaasha 5ta sano GTP,SPM iyo yoolasha horumarineed, n/galyo, maamulka suuban, Dimuqoraadiyadeed,xoolo-dhaqato Beeralayda iyo Barnaamijyada Damaanada Cuntada si loo dar- dargaliyo Kor u qaadida meertada habka Nolosha bulshada oo loo abuurayo fursado iyo xirfado ay ku shaqaystaan si loo kobciyo Dhaqaalaha dalka lana bartilmaameedsado Dalalka Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay ayaa waxay xukuumada deegaanku hirgalisay komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa ee DDSI.

Waxaa Xusid mudan in ujeedooyinka ay xukuumadu u yagleeshay komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa in ay ka soo askumatay ka dib markii ay Xukuumada maanta jirtaa u heensaysatay taabogalinta isbedelo ku wajahan adeecida iyo ka jawaabista baahida iyo doonista shacabka deegaanka ee la xidhiidha baahiyaha aasaasiga u ah Nolosha sida helida Biyo nadiif ah oo laga haqab-beelo,Isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo lagula tacaalo Tayada Caafimaad ee Bukaan-jiifka,Bukaan-socodka,Hooyada iyo Dhalaanka iyo faaf-reebka Cudurada Dilaaga iyo xakamaynta Cudurada iskaga talaaba Xuduudaha waana ta kaliftay in ay Xukuumada DDSI Mudadii yarayd ee ay jirtay ay udub-dhexaad ka dhigato la tashiga iyo ka qaybgalinta Qorshayaasha Xukuumada qaybaha |Bulshada Deegaanku meelkasta oo ay joogaana iskuna waafaqeen lagama maarmaanimada Askumida Komishinka iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI si loo taamyeelo Hirgalinta Yoolka Horumar,n/galyo maamul suuban ee la hiigsanayo si looga xoroobo Gaajada iyo saboolnimada si loo haabto Wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

komoshinka Anshaxa iyo kahortaga musa DDSI oo dhawaan uun la aasaasay ayaa intii uu jiray ayaa natiijo wax ku oola ka gaadhay Bilawga Hirgalinta Qorshayaashiisa(Plan A) oo ku wajahnaa in talaabooyinka ugu horeeya laga bilaabo wacyigalinta Qaabdhismeedyada Dawlada sidii looga fogaan lahaa xilgudasho la'aanta,eexda,musuqa,laaluushka,wajigarashada,Lugooyada Hirgalinta Qorshaha iyo ku tagrifalida hantida Umada,islamarkaana tabobaro badan oo kor loogu qaadayo Garaadka Xilgudashada,Xeerarka ladagaalanka Musuqa,ilaalinta hantida Dawlada iyo ka feejignaanta laaluushka xagliya cadaalada iyo saraynta Sharciga. Dhanka kale mar uu wariyaha cakaaraNews Kula kulmay xafiiskiisa Komishinka Xafiiska Anshaxa iyo Kahortaga Musuqa Mudane Maxamuud C/qaadir ayaa uu waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka siiyay isaga oo ugu horayntii sheegay in ay guulo waawayn ka soo hooyeen hirgalinta qorshayaashii u yaalay sanadkii ina dhaafay ee 2005TI .

Maxamuud C/qaadir oo ka warbixinayay Qorshayaasha waxqabadkooda sanadkan ayaa tibaaxay in ay sii laban laabayaan dadaalkooda iyo ku wacyigalinta xafiisyada Tilmaamaha Digtoonida,ka feejignaanta marin-hababinta Qorshayaasha iyo Qulqulka Miisaaniyada si loo taabagoliyo Qorshaha GTP iyo SPM,anagoona xafiisyada heer deegaan iyo her Degmaba siinay tababaro ku dhiirigaliya Xilgudasho ka madax banan musuq,ka feejignaanta asi xun ugu jihaynta Adeega shacabka,ka madax banaan eexda iyo waji garashada. koayaa waxa uu tibaaxay in ay xafiisyada heer deegaan iyo waliba dhamaan Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabaabay in laga aasaasay Dhamaanba xafiisyada Unugyo ku shuqul leh la dagaalanka Musuqa islamarkaana xidhiidh toos ah la leh komishinka anshaxa iyo kahortaga musuqa,islamarkaana xafiisku aruuriyay xogo badan oo ku lug leh Musuq sal iyo baara dhawaana la shaaacin doono iyadoona xukuumada maanta jirtaa aynan marna u dulqaadan doonin shakhsi kasta oo ay ku cadaato in uu Tiimbaday ama mukhuursan yahay Musuq- maasuq sal iyo baara,taasoo uu madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Ku tilmaamay Kuwa caqabada ku ah Horumarka iyo Adeega Shacabka hantidii loogu idmay in wax lagaga qabto adeegyada aasaasiga ah iyo baahida shacabka ee baalmariya islamarkaana musuqmaasuqa in uu ka daran yahay Nabaddiidka kaa fog,sharcigana si arxan daro ah loola tiigsanayo.

Komishinka ayaa carabka ku dhuftay in Tooshka-Wareega ee Komishinka Anshaxa iyo Kahortaga Musuqa DDSI uu Hangool ku soo Qabtay Shaqsiyaad Tiimbaday Musuq Arxandaro oo danta Umada ka Hormariyay taamyeelida danihiisa Gaar ahaaneed baalna iska dhigay Siinta adeeg hufan iyo Hirgalinta Qorshayasha Shacabka kuwaasoo dhawaan la shaacin doono ayaa uu yidhi Mudane Maxamuud.

Isaga oo komoshineerku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu yidhi” anaga oo kaashanayna xafiisyada iyo hay'adaha ay khusayso ee xidhiidhka wadashaqayneed naga dhaxeeyo waxaan siwayn ula dagaalamaynaa mabaadiida iyo aragtida musuqa Huwan iyo nidaam-xumada iyo marinhabaabinta marinka shaqada anaga oo kor u qaadayna heerka baraarujinta iyo wacyigalinta ku aadan waxyeelada iyo xumaha uu leeyahay musuqu.

Sidoo kale Maxamuud Anaga oo la kaashanayna xafiisyada iyo haayadaha ay khusayso waxaan baadhitaan dhinaca musuqa ah iyo sixitaan ku samaynaynaa xafiisyada dawlada iyo hay’adaha horumarinta dawlada ee iyagu unugul haleelida musuqa.

Maxamuud C/qaadir Waxaan baadhitaan ku samaynaa islamarkaana aan dacwad ku oogi doonaa marka aan helno xoga sheegaya in ay ka dhaceen xafiiskaasi ama hay’adaasi arimo ku lug leh Xatooyo hanti-qaran iyo Musuq”.

Mar uu awoodaha iyo waajibaadka komishinka ka hadlayay masuulku ayaa waxa uu tilmaamay in ay awood u leeyihiin in ay amar maxkamad la’aana xidhi karaan islamarkaana hayn karaan inta uu baadhitaanku socdo oo ah muddo dhan 48 saacadood shaqsi kasta oo ku lug leh banbiyada la xidhiidha musuqa.

Ugu danbayntii ayaa waxa uu masuulku siwayn carabka ugu adkeeyay in ay jiraan xafiisyo heer deegaan iyo waliba heer degmo oo ay yaga oo kaashanaya xafiisyada iyo hay'adaha bah-wadaagta yihiin iyo unug aas-aasiyada ka hawl gala dhamaan xafiisyada heer deegaan ay hayaan xogo sheegaya shaqsiyaad ku leg leh dhinaca musuqa lana horkeeni doono sharciga iyada oo laga qaadi doono tabada ku haboon.

Isku Soo Wada Duuboo tooshka-wareega ee CakaaraNews islamarkaana Dul-heehaaba ilqoodh-kala socodka Waxqabadka xafiisyada iyo Xilgudashada madaxda iyo Hawl-wadeenada qaab-dhismeedyada Dawlada ayaa soo xaqiijiyay in Komishinka Anshaxa iyo Ka hortaga Musuqa DDSI uu Dhamaystiray Gal-dacwadeedka Qaar ka mida hawl-wadeenada Qaabdhismeedyada Dawlada iyo masuuliyiin xafiisyo.