Waxaa EEGA Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Jigjiga Tartanka Kooxaha 4ta Maamul Magaalo iyo 9ka Gobol ee uu DDSI Ka Kooban Yahay.

Jigjiga(CakaaraSport) Jimce August 30,2013.waxaa daqiiqdao ka hor ka furmay Garoonka Kubada Cagta magaalada Jigjiga tartankii Kubada Cagta ee 9ka Gobol iyo 4ta Maamul Magaalo oo uu Furay madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna Kusimaha Xafiiska madaxweynaha Immediate Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo Kubada Dhex dhigay barta Xariiqa badhtanka Kubada halkaasoo uu Tababarihii kaga dhawaajiyay Eega Siidhigii garsoorka Xili-ciyaareedka 90ka daqiiqo.

Ciyaartii ugu horaysay oo eega bilaabmatay ayaa lagu furay Tartanka Kubada Cagta ee Gobolada iyo 4ta Maamul Magaalo ee sanadkan ayaa lagu bilaabay Maamulka Magaalada Qabridahar ee Gobolka Qoraxay oo haysta Koobka iyo Kooxda Kubada Cagta ee Gobolka Liibaan.

Ciyaarta oo eega uun la bilaabay darteed ayaanu dib idiinka soo sheegi Doonaa natiijada iyo sawiradaba.