Madaxweynaha Puntland iyo Wafti uu Hogaaminayay oo Maanta 25 Safaaradood Kulan kula Qaatay Magaaladda Nairobi Kuna Soo Wajahan Magaalada Adis-Ababa.

Nairobi(CakaaraNews) Jimce August 30,2013.Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo Nairobi Kula Shiray Diplomasiyiinta 25 Safaaradood Kuna Soo Wajahan Addsis-aba. Sida warku nagu soo gaadhayo Madaxwaynaha maamulka Puntland Mudane C/raxmaan faroole iyo waftigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane Cabdi C/laahi ayaa ka dib booqasho ay ku joogeen Nairobi maalmahan casuumad ka helay 25 ka mida Safiirada safaaradaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya taasoo ay maanta shir balaadhan ku yeesheen Magaalada Nairobi.

Dhanka kale waxaa la sheegayaa in Mudane C/raxmaan faroole iyo waftigiisu ku soo wajahan yihiin Caasimada DFI ee Magaalada Addis-ababa.