Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wakaalada Dhisida iyo Kobcinta iskaashatooyinka DDSI oo Deeq Qalab ka Heshay hay'ada IFAD.

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti August 31,2013.Qalab Kala Duwan ayaa ay hay’ada lagu magacaabo IFAD ugu deeqday Wakaalada Dhisida Iyo Kobcinta Iskashatooyinka DDSI Qalab Isugu Jiray Qalabyo Kala Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Computers, Printers, Laptops, Miisas Iyo Qalabyada Xafiisyada Loo Adeegsado Iyadoo Mashruucani Deeqda Ah Ay Hay’ada IFAD Ugu Deeqday Wakaalda Dhisida Iyo Kobcinta Iskashatooyinka DDS Uu Yahay Mashruuca Horumarinta Reer-Miyiga Ah Kaasi Oo Uu Mashruucani Ka Caawin Doono Kaalin Muhiimana Ka Qaadandoono Dadka Danyarta Ee Reer Miyiga Iyo Iskashatooyinka Kaydka Iyo Amaaha si Korna loogu soo Qaado Bulshada Danyarta Ah Ee Reer Miyiga Ah.

Deeqdan ayaa sida uu sheegay Maareeyaha wakaalada Guleed Cali Geri Kalin Muhiim Ah Ka Qaadan Doona Horumarinta Reer-miyiga ee ay ku nool yihiin Bulshada Danyarta Ah,iyadoona Barnaamijkani Cusub Muhiim U Yahay Dadka Danyarta Ah Kaasi O Soo Kobcin doona Dhaqaalahooda Sida Uu Noo Sheegay Madaxa Wakaalada Dhisida Iyo Kobcinta Iskashatooyinka DDSI Mudane : Guuled Cali .

Hadaba Mashruucani Deeqda Ah Ayaa Kaalin Wax Ku’ool Ah Ka Qaadan doona Horumarinta Iyo Kobcinta Bulshada Reermiyiga Iyadoo Sidoo Kale Mashruucani Wax Waynka Tari Doona Kor U Qaadida Iyo Kobcinta Iskashatooyinka Degaanka