Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tartanka Kubada Cagta 9ka Gobol iyo 4ta Ismaamul Magaalo ee Ka Socda Magaalada Jigjiga iyo Maalintii 2aad oo Kooxo Badan Fooda Is Dareen.

Jigjiga(cakaaraSport) Sabti August 31,2013.Sidaad warkayagagii hore ee shacbaka war laliska cakaaraNews kala socoteen waxaa maalintii shalay ka furmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga tar tanka ciyaaraha kala duwan ee dadwalada deegaanka somalida itoobiya tarkankaasi oo is kugu jirta tartanka kubada cagta tartanka kubada kolayga orodka iyo waliba tartanka ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Haddaba waxaa saaka aroortii hore ciyaarta kubada cagta oo xamaasad ciyaared wadata ka bilaabmatay garoonka wayn ee ku yaala xarunta madaxtooyada DDSI ee magaalada jijiga.

Ciyaartaa oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay komoshineerka komoshinka ciyaaraha DDSI iyo dadwayne aad u tira daban oo ay wajiyadooda ka muuqatay xamaasad ciyaareed ay ku taageerayaan kooxaha tartamaya ee gobolada iyo ismaamulada magaalooyinka. Intaanaan guda galin qaabka ay isku haleeleen kooxahaasi iyo cida ay guushu raacay bal aan milicsano Group yada ay iskugu aadan yihiin, ciyaaraha kubada cagta ee 9ka Gobol iyo 4 ismaamul magaalo waxay iskugu aadan yihiin sidan:-

Group A:- ismaamulka Qabri-dahar,Gobolka liibaan iyo Jerar.

GROUP, B:- ismaamulka Goday, Gobolka Afdheer iyo Gobolka Qoraxay.

Group C:- Gobolka Faafan, Gobolka Siti iyo gobolka Shabeele.

Group D:- ismaamulka magaalada Jigjiga,Gobolka Nogob,Ismaamulka magaalada dh/buur iyo Gobolka Doolo.

Dhanka kale ciyaartii ugu horaysay ee maanta ayaa ay isku haleeyay kooxda u ciyaaraysay ismaamulka magaalada Goday iyo kooda Gobolka Afdheer oo kawada tirsan Group B, in kosta oo ay labadooduba soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan hadana labaddii qaybood ee ciyaartu ka koobnay u may suuragalin in ay wax gool ah kala dhaliyaan waxayna ciyaartaasi ku dhamaatay 0-0.

Sidoo kale waxaa iyaguna maanta galinkii hore fooda is daray kooxaha u ciyaaraya Gobolka Faafan oo iyagu lamagac baxay kooxda maroodiyada iyo kooxda gobolka Siti, oo iyagu kuwada jira Group C, ciyaartaa oo ku bilaabmatay dardar aad u kulul oo ay labada kooxoodba ku looltamayaan in ay midkood helo goolka ugu horaynaya tartankaa oo ayna kooxihii hore midkoodna ku guulaysan in ay dhaliyaan goolkaasi ayaa waxaa qaybtii koowaad ee ciyaarta u hirgashay in ay dhashadaan goolkii ugu horeeyay guud ahaanba tartankaasi kooxda gobolka Faafan oo heshay gool Rikoodhe ah kuna hubsatay shabaqa Goolka Siti taasoo uu u saxiixay ciyaartoyga u ciyaara faafan ee ka ciyaara lambar 5 Ahmed c/casiis Inkasta oo qaybtii danbe ee ciyaarta ciyaar wanaag la yimaadeen gobolka siti hadana umay hirgalin in ay is ka soo gudaan goolkaasi, Ciyaartuna waxay ku dhamaatay 1-0 waxayna guushu ku raacday gobolka faafan.

Sidoo kale waxaa isla maanta galinkii danbe ciyaaro kululi dhexmareen kooxada ismaamulka magaalada Jigjiga iyo kooxda gobolka Nogob waxayna labadooduba soo dhandhigeen ciyaar tayadeedu aad u sarayso waxaana goolkii ugu horeeyay haleeyay kooxda gobolka Nogob sidaasi kaga mayna hadhin kooxda u ciyaaraysay ismaamulka magaalada Jigjiga ee daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta waxaa ay ka bada keeneen goolkii barbardhaca ahaa waxayna ciyaartu ku dhamaatay 1-1.

Ciyaartii ugu danbaysay galabta oo mar-dhawayd uun laga soo dareeray waxay dhex martay kooxaha ismaamulka magaalada dh/buur iyo koxda Gobolka Doolo Oo iyagu kuwada jira Group D, Ciyaartaa oo wadatay xamasad ciyaareed aad u heer sareeya oo ayna ka soo qayb galeen taageerayaal aad u diro badan oo kale daageerayay kooxahaa ku loolamayay tartanka Kubada cagta ayaa waxay kooxahaasi labaddii qaybood ee ciyaartu ka koobnayd soo bandhigeen ciyaar aad u xarfad badan balse ku ,may guulaysan in ay midkoodna dhaliyaan wax gool ah ciyaartuna waxay ku dhamaatay 0-0.

Hadaba tartanka ciyaaralah kala duwan ee ka bilaabay magaalada caasimada deegaanka ee jigjiga waxaad si deg deg ah idiinku soo gudbindoona hadba halkay ay marayaan ciyaarahaasi