Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xamaasada Hiwaayadaha Ciyaaraha Deegaanka iyo taageerayaasha Qoraxay iyo Dh/buur oo Fooda Is Daray Maanta.

JigjigaakaaraSport) Axad Sep,01,2013.Sidaynu wada ogsoonahayba waxaa ka socda maalintii 3aad Magaalada Jigjiga Tartanka Ciyaaraha Kubada Cagta ee 9ka Gobol iyo 4ta ismaamul-magaalo oo ay Door wayn ku leeyihiin Daawashada Ciyaaraha Taageerayaasha Gobolada oo u jibaysan Badinta iyo Taageerada kooxda Gobolkooda waana Dabeecadaha lagu yaqaano tartamada Ciyaaraha.

Hadaba Xamaasada iyo Shucuurta loo qabo Deegaanka Hiwaayadaha Ciyaaraha ayaa maraysa in la isku gacanqaado oo Ay taageerayaashu buunbuuniyaan kooxdooda iyadoona kalmado iyo ereyo la isku ximaarinayo ama la isu quusinayaba la isticmaalo. Ciyaar manta Dhexmartay Qoraxay iyo Jarar ayaa ka dib markii ay ciyaartii dhamaatay sababtay in Qaar ka mida taageerayaasha labada dhinac gacmaha iskula tagaan taasoo sababtay dhaawac soo kala gaadha labada dhinacba.

Dhanka kale Booliska Deegaanka oo soo kala dhexgalay Arbushkan ayaa Talaabo dhanka sharciga ah ka qaaday Shaqsiyaad loo aaneeyay in ay ka danbeeyeen Hurinta khilaafka iyo fowdada.

Dhacdadan ayaa la mid ah Dhalinyarada iska daa Ciyaaro Goboleede ku dagaalanta Taageerada Kooxaha Man Utd,Chelsea iyo Arsenal balse waxay muujinaysaa heerka Xadaarada iyo Spritka ay Dhalinyaradu u qabaan Hiwaayadaha Ciyaaraha,in Dhalinyarada lagu abuuro xiisaha iyo aragtida Ciyaaruhu u leeyihiin si looga badbaadiyo Balwadaha xun xun ayaa ku timid wakhti ay galisay Xukuumada DDSI Abaabulka Dhalinyarada,wacyigalinta,samayn Goobo kor loogu Qaado Jidh-dhiskooda iyo Fursadaha Ciyaaraha iyo Doorkooda waana Midhaha ka dhashay isbedelada Horumar,N/galyo iyo Maamul Suuban ee ka taabogalay DDSI.