Faaqidaada Tartanka Ciyaaraha Gobolada iyo Ismaamul-Magaalooyinka DDSI oo ay Kooxo Doora Fooda la isdareen iyo Xamaasada Taageerayaasha oo Cirka isku sii Shareeraysa.

Jigjiga(CakaaraSport)Isniin Sept,02,2013.Sidaad hore ula socedaan wararkayagii hore waxaa si habsamiya uga socda garonka wayn ee xarunta Magaalada jigjiga tartanka ciyaaraha kala duwan ee 9ka Gobol iyo 4 ismaamul magaalo oo maalintii sadexaad galay iyadoona Xamaasada iyo Xiisaha Taageerayaashu u qabaan tartankana ay Cirka isku sii shareeraysaa. Shalay ayaa Ciyaar aad u Xiisabadnayd Dhexmartay xulalka Kooxo Doora balse aanu doorbidnay in aanu Qadar Faaqidaada Ciyaarihii Shalay dhacay iyo Muuqaalada uu kaga duwanaa tartanadii hore in aanu idiin Qaadaa-dhigno.

Muuqaalka 1aad:-Tartanka Sanadkan ayaa Waxaa ku looltamaya 13 Kooxood oo ka soo jeeda 9ka Gobol iyo 4ta Maamul Magaalo halka sanadkii Hore 9 Koox oo ka socday 9ka Gobol kaliya uu ka dhaxeeyay.

Muuqaalka 2aad:-Tartankan ayaa ka Dhacaya Garoon aad u Qurux badan oo Ka Duwan Garoonadii Hore kuna soo beegmay Xili Dayactir,Balaadhin,Qurxin iyo Dhismayaal casri ah lagu soo biiriyay Garoonka taasooy Xukuumada DDSI Mudnaan gaara siisay Kor u qaadida iyo tayaynta Hiwaayadaha Ciyaaraha iyo Daryeelka,tababarida iyo gacan kuhaynta Dhalinyarada.

Muuqaalka 3aad:-. Waxaa kale oo kor loo qaaday tayada tababarayaasha ciyaaraha iyo in waliba sanadihii ugu danbeeyayha siwayn wax looga badalay tayada kooxaha u ciyaaraya Gobolada iyo ismaamul magaalooyinka .

Muuqaalka 4aad:-Waa markii ugu horaysay ee Xafiiska Sportiga DDSI uu Wada Qabto tartamada Ciyaaraha kala duduwan. Gundhiga Faaqidada Tartamada Ciyaaraha kala Duduwan ee Maanta ayaan ku Dhawraynaa Ciyaarihii ugu Xiisaha Badnaa Dhanka Anshaxa Ciyaaraha iyo Aafada Xamaada Taageerayaasha oo Shalay Ciyaarta ka dib Dhalinyarada Taageerayaashu Gacmaha iskula tageen Magaalada dhexdeeda.

Dhanka Ciyaartii Shalay Dhexmartay Xulka Kubada Cagta ee Gobolka jarar iyo Xulka Kubada cagta ee Degmada Qabridahar ayaa ay Daawashadeeda ka soo qaybgaleen Taagerayaasha labada dhinac oo buuxdhaafiyay garoonka sawaxanka,Hebel,Guusha anagaa leh,Libaaxyada oo Xataa laga Daalacan karo Heerka Jibada iyo Xamaasada Taagarada Qaybaha Jidhka oo lagu soo xardhayba(Qoray) Magacyada Gobolada Kooxaha ku hardamayay garoonka Kubada Cagta Magaalada Jigjiga. Qaybtii Hore ee Ciyaartii Dhexmartay Qabridahar iyo Jarar ayaa ay labada kooxoodba soo bandhigeen Ciyaar aad u Qurux badan walaow ay kooxda jarar gacan ku haynta Kubada iyo Weerarkaba ku gacan sareeyeen iyadoona kooxda jarar ay qaybtii hore u suurtogashay in Kubad Si quruxbadan ay u soo daadihiyeen isku dhiidhiibka kubada uu Shabaqa Gool Qurux badan ku hubsaday Barkhad oo Nambarka 4aad uga ciyaara Jarar,balse Xulka Qabridahar oo dardar iyo Ciyaarwanaag la soo baxay uma suurto galin in ay iska soo gudaan Goolka halkaasna uu garsoorihii kaga dhawaajiyay Dhamaadka qaybtii hore ee Ciyaarta1-0 loona dareeray Daqiiqadihii Nasashada iyo Talooyinka Tababarayaasha.

Qaybtii 2aad markii la isku soo noqday ayaa ay labada kooxba dardar horleh iyo hujuun iskaga horyimaadeen,balse waxaa mar labaad u suurogashay Kooxda jarar in uu Ciyaaryahanka u Sita numbarka 9aad Cabdi-waasac uu ku hubsado Shabaqa Goolka Qabridahar Goolkii 2aad halkaana Ciyaartu ku Noqotay 2-0 oo ay Ciyaartii Ku soo Gabagabawday jarar 2 Qabridahar 0 Guushiina jarar Ku raacday. 

Waxaa kale oo maanta galinkii hore ciyaarda aad u xiiso badan fooda isku daray kooxaha u ciyaaraha ismaamulka magaalada Goday iyo Gobolka Qoraxay, ciyaartii dhex martay labadaasi kooxood oo ku bilaabmatay dar dar xoolgleh ayaa waxaa qaybtii hore ee ciyaarta dhashaday goolkii ugu horeeyay kooxda gobolka qoraxay waxaana u dhaliyay ciyaartoy cali xidhina lumbarka 7 aad, in yar ka dib waxaa iyaguna iska soo baday koolkaasi kooxda ismaamulka magaalada Goday oo dhashatay gool aad u qurux badan iyada oo uu u dhaliyay ciyaartoy guray xidhina 6 aad, ciyaartaa oo ahayd mid aad u qurux badan aanad moodaysay in ay labada kooxood isku dheeli tiran yihiin waxay ku dhamaatay barbardhac 3 gool iyo 3 gool taasi oo ah.

Isla Shalay Galinkii danbe Waxaa ay Dhexmartay Ciyaar aad u xiiso badnayd oo soo jiidatay daawadayaasha Kooxaha Gobolka Faafan iyo Shabeele oo ka wada tirsan Group C,iyadoona ay Ciyaartaasi ahayd mid aad u Qurux badnayd soona bandhigeen labada kooxoodba Ciyaar qurux badan ayaa ku dhamaatay 1-0 Guushuna ku Raacday Kooxdii Shabeele oo uu goolka guusha gobolkiisa uu u dhaliyay Ciyaaryahanka numbarka 10aad uga Ciyaara Shabeele oo lagu magacaabo Muuse.