Ciyaaryahanada Baalka kaga Jira Xulka Ingiriiska Wilshere iyo Sturridge ayaa Todobaadkan Aan ka Muuqan Doonin Ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Aduunka.

(CakaaraSport) talaado sep 03,2013.Ciyaaryahanada Xidigaha xulka Qaranka England Daniel Sturridge iyo Jack Wilshere ayaa sida la sheegayo ka maqnaan doona Ciyaaraha Isreeb-reebka Koobka Aduunka ee ay xulka Ingariiska la yeelan doonaan xulalka Wadamada Maldova iyo Ukraine.

Labadan laacib ayaa saaka ka maqnaa Garoonka tababarka ay ku qaadanayeen xulka England iyadoona labadoodaba ay qabaan dhaawacyo ka soo gaaray kooxahooda kulamadi ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League.

Xidiga kooxda Liverpool Sturridge ayaa laga saaray garoonka kadib marki uu ku dhaawacmay ciyaartii kooxdiisa ka adkaatay kooxda Man United, iyadoo Wilshere isna uu ka baxay garoonka ciyaarti kooxda ay todobaadkan la yeelatay kooxda Tottenham. Xulka England ayaa ka dhex waayi doona labadan laacib kulamada isreeb-reebka aduunka ee la ciyaari doono Todobaadkan.