Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Loogu Soo Xidhayay 400 oo Arday Kana Kala Yimid 40 Degmo iyo 4ta M,Magaalo oo mudo 45 Maalmod Jamacada jigjiga ku Baranaysay Culunta Sayniska iyo Teknolajiyada.

Jigjiga(CakaaraNews) Talaado Sept 03,2013.Waxaa lagu qabtay Hoolka Jaamacada Jigjiga(Jigjiga University) Xaflad loogu soo xidhayay 400 oo arday oo ku qaadanayay jaamacada Tababar 45 Cisho ah oo ay ku baranayeen casharo la xidhiidha Culuunta Sayniska iyo Technologiyada.

Ardaydan dhamaysatay Waxbarashada jaamacada Jigjiga ee culuunta kala duduwan ayaa ay ka mid ah tababarada Kobcinta Garaadka aqooneed ee ay bixiso jaamacadu kuwaasoo Degmooyinka Deegaanka laga keeno,iyadoona ay ka soo qaybgaleen Munaasadan Wasiirka waxbarashada DDSI Mudane Xasan C/laahi Riyaale,Madaxwayne kuxigeenka jaamacada Suldaan Muxiyadiin Odowaa,Macalimiinta jaamacada iyo Masuuliyiin kale.

Suldaan Muxiyadiin Odowaa ayaa ka warbixiyay Mudadii ay ardaydan waxbarayeen iyo faaiidooyinka Casharadii iyo Aqoonta la siiyay,sidoo kalana ka warbixiyay in ay ardaydani ka kala yimaadeen 40 Degmo iyo 4ta Maamul Magaalo kuna booriyay ardaydu in ay shacabkooda uga faaiideeyaan.

Wasiirka Waxbarashada ayaa isaguna Bogaadiyay Heerarka waxbarashada iyo culuunta la mahadiyay ee ay Jaamacada Jigjiga bixiso kuna dhiirigaliyay jaamacada in ay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan una hagar baxaan kor uqaadida tayada Aqoonta Deegaanka.