Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Halkee ayuu marayaa tartankii ciyaaraha DDSI kooxdeese ugu dhibco badan wareega 1aad ee isreeb-reebka Ciyaaraha.

Jigjiga(cakaaraSport) Talaado Sept 03,2013.Waxaa wali si habsamiya oo ay ku dheehan tahay xamaasad iyo shucuur ciyaareed si talantaali ah uga socda garoonka wayn ee magaalada jigjiga tartankii kubada cagta oo ay ku loolamayaan kooxaha 9 ka gobol iyo 4 ismaamul magaalo ee Deegaanka,iyadoona uu tartankan ciyaaraha koobka kubada cagta uuu xiisa badan taageerayaashuna maanka ku hayaan jibadooda iyo xamaasada ay u qabaan badinta kooxdooda halka ay taageerayaasha Qaar ayba ku soo xardhaan jidhkooda magacyada gobolka ama maamulka magaalo.

Hadaba Maalintii shalay galinkii hore ayaa ay ciyaar xiiso badani dhex martay kooxda u ciyaarta gobolka Nogob iyo kooxda Gobolka Doolo ciyaartaa oo labada kooxoodka bilawgii ciyaarta is ku hujuumeen weerar iyo weeran celin ayaa waxa ay guushu ku raacday gobolka Doolo ka dib markii uu ciyaartoyga Doolo u suura gashay in ay dhashadaan laba gool waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2 Gool iyo 0. Guushuna ku raacday gobolka DOOLO.

Ciyaartii xigtay isla shalay galinkii hore oo ahayd kooxda gobolka liiban iyo Gobolka Jarar ayaa waxaan ciyaartaasi ka soo qaybgalin kooxda gobolka jarar ka dib markii ciyaartii hore ee ay la lahaayeen ismaamulka magaalada qabridahar ay xamaasada ciyaarta derteed gaadhay in gacan lays ku qaado sidaasi darteedna ayna galin ciyaarihii ay la lalahayeen kooxaha kale.

Sida Nidaamka Ciyaaraha markii ay kooxda gabolka liibaan soo xaadirtan wakhtigii ciyaarta loogu tala galay in ay bilabanto ee ay garsoorkii ciyaarta hagayay waayeen kooxda gobolka jarar ayaa waxay sida sharciga ciyaaruhu dhigayo lasiiyay natiijada badiska kooxda gobolka Liban (Forfight).

Waxaa kale oo iyaguna shalay wada ciyaaray kooxaha gobolka afdheer iyo gobolka qoraxay waxayna ciyaartaasi guushu ku raaxay kooxda gobolka afdheer waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2 gool ay leedahay gobolka afdheer iyo kooxda gobolka qoraxay oo aan waxba dhalin. Sidoo kale waxaa iyaguna shalay galinkii danbe wada ciyaaray kooxaha gobolka siti iyo shabeele iyada oo ay ciyaartaasi guushu ku raacday gobolka shabeele waxayna ciyartu ku dhamaatay 1 gool ay dhashatay gobola shabeele iyo gobolka Siti oo aan iyagu waxba dhalin ciyaartaa(1-0).

Dhanka kale waxaa saaka ciyaaro aad u xiiso badan oo ay ka soo qayb galeen taageerayaal aad u tiro badani oo soo buux dhaafiyay garoonka isku haleeyay kooxda gobolka Doolo iyo ismaamulka magaalada Jigjiga ciyaartaa oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan islamarkaan ay weerar iyo weerar celin isku herdinayeen ayaa waxaa ku guulaystay in ay badiyaan kooxda gobolka Doolo oo dhashatay 2 gool halka ay kooxda ismaamulka magaalada jijiga u suuroobi wayday in ay iska soo gudaan goolasha lagu leeyahay iyadoona ciyaartii ku soo gabagabowday Doolo 2-Maamulka Magaalada Jigjiga 0.

Ciyaartii ugu danbaysay maanta ayaa dhexmartay kooxda u ciyaaraysay Gobolka Nogob iyo kooxda ismaamulka magaalada DH/buur ayaa waxaan ka soo qayb galin ciyarta kooxdii u ciyaaraysay ismaamulka magaalada DH/buur garsoorihii ciyaarta hagayay ayaa markii ay gobolka Nogob ay muddo 30 daqiiqo ah dhex joogeen garoonka islamarkaana la waaway kooxdii mm dh/buur ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in ciyaartaa natiijadeela lagu wareejiyay kooxda gobolka Nogob.

Hadaba aan ku nasano dhibcaha natiijada wareegii koowaad ee ciyaaraha DDSI Group

A, liibaan 4 dhibcood. Gobolka. jarar 3 dhibcood, ismaamulka magaalada qabridahar 1 dhibic.

Group B, Gobolka afdheer 4 dhibcood, ismaamulka goday 2 dhibcood, Gobolka qoraxay 1 dhibic.

Group C, faafan 3 dhibcood, gobolka siti 3 dhibcood, gobolka Shabeele, 3 dhibcood,

Group D, ismaamulka jijiga 1 dhibic, ismaamulka dh/buur 1 dhibic, gobolka Nogob 4 dhibcood gobolka doolo 7 dhibcood. Warkayaga xiga waxaan udiinku soo gubdin doonaa kooxaha u gudbay wareega 2 labaad iyo inta hadhay.