Golaha Arimaha Islaamka DFI iyo Golaha Sare ee Arimaha Islaamka DDSI oo Ku Hawlan Tabantaabinta Xujaajta Deegaanka Tiradoodana Kor loo Qaaday.

Waayadanba waxa ay ku hawlan yihiin Golaha Arimaha islaamka Heer Deegaan Tabantaabinta iyo dhamaystirka shuruucda socdaalka la xidhiidha Gudashada Xajka iyadoona Xujajta ka tegaysa Xajka DDSI loo sii diyaariyay Busus,Gaadhi,Hotelo iyo Maalin cayiman oo ay ka qaataan Visaha safaarada SA ku leedahay Addis-ababa. Dhanka kale laanta Socdaalka ee Xafiiska Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada DDSI ayaa iyaguna si degdegsiimo badan ugu hawlan Dhamaystirka Qaadashada Baasaboorka ay Xujaajtu ku tagayaan Xajka.

Xubinka DDSI ugu jira Golaha Arimaha Islaamka DFI Sheekh Maxamed Soomaali ayaa sheegay in sanadkan la kordhiyay Tirada Dadka Xujaajta ah ee ka tagaya DDSI Xajka iyadoona jadwal cayiman,Hotelo,Baabuur qaada iyo Maalin Cayiman oo ay Xujaajta Deegaanku ku qaataan Visaha Gudashada Xajka loo sii qoondeeyay sidoo kalana ugu baaqay dadka Gudanaya xajka ee ka tagaysa deegaanka Soomaalida itoobiya in ay ilaaliyaan wakhtiga diyaargarawgooda iyo xidhiidhka Golaha arimaha islaamka si loogu fududeeyo.

Dhanka kale sheekha ayaa tibaaxay Wadanoolaansha Diimaha iyo ka madaxbanaanida Diimaha ee dhanka siyaasada uguna baaqay islaamka in diinta aan loo isticmaalin siyaasad dhalanrogi karta caqiiqada,iimaanka iyo xadiisyada saxiixa ah.

Isku Soo wada duuboo waxaa dhawaan ka dhacay shirwaynihii uGu waynaa Arimaha Islaamka oo ka dhacay Addis-ababa kana qaybgaeen dhamaanba Culumaaudiinka 9ka Deegaan iyo Addis-ababa Guulna ku dhamaaday