Tartankii ciyaaraha iyo 8da kooxood ee u soo gudubtay wareega 2aad ee ciyaaraha

Jigjiga(CakaaraSport) Arbaco Sept-4,2013,Waxaa la soo gaba gabeeyay wareegii 1aad ee tartanka ciyaaraha kubada cagta oo maal mahan si habsamiya uga socday garoonka wayn ee jijiga waxaana saaka ciyaarii ugu danbeysay wareega koowaad isku haleeyay ciyaar xiiso badan, islamarkaana ay ka soo qayb galeen taageera yaal aad u tiro badan kooxaha u ciyaar ismaamulka magaalada jigjiga iyo kooxda ismaamulka magaalada DH/buur iyada oo ay ciyaartaasi ay siwayn ugu gacan sareeyeen kana ciyaar wanaagsanayeen kooxda ku ciyaaraysay ismaamulka magaalada dh/buur ayaa waxaa ciyaartaasi ay guushu ku raacday ismaamulka magaalada dh.buur ka dib markii ay 3 gool iyo 0 kaga badiyeen ismaamulka magaalada Jigjiga waxayna ku dhamaatay mm, dh/buur 3 gool mm, jijiga 0,walow ay kooxda Maamulka Magaalada Dh/buur hore uga baaqdeen ciyaartii dhexmari lahayd Gobolka Nogob.

Hadaba komishainka iyo masuuliyiinta u xilsaara hagitaanka ciyaarahan aya waxay maanta galinkii danbe shaaciyeen kooxaha ku soo baxay wareega 2aad waana kuwan 8 da kooxood ee u soo baxay wareega 2 aad. 1 kooxda Gobolka Liibaan 2, kooxda Gobolka Afdheer,3 kooxda ismaamulka magaalada Goday, 4 kooxda ismaamulka magaalada Qabri dahar, 5 kooxda Gobolka Siti,6 kooxda gobolka Nogob, 7 kooxda Gobolka Doolo 8 kooxda gobolka Shabeele. I

Dhanka kale wareeggii koowaad ee tartankaasi ku hadheen 5 kooxood oo ka mid ahaa 13 kooxood ee u tartamayay koobka ciyaaraha kubada cagta. Haddaba kooxahan u soo gudbay wareega 2 aad ayaa waxay iskugu beegan yihiin u wada ciyaaridoonaan sidan:- maalinta barito subaxnimada waxaa wada ciyaaritoona kooxda gobolka Liibaan vs.MM goday. isla bari galinka danbe. Kooxda gobolka Adheer vs MM qabridahar, isla maalinta xigta oo ay bishu ku beegan tahay 1/13/ 2005TI subax nimada waxaa wada ciyaari doono kooxda gobolka Siti vs Nogob, halka ay ciyaarta cigta maalintaasina noqontoonto kooxda Gobolka Doolo sv Shabeele.

Isku soo wada Duuboo ciyaaraha tartanka kubada cagta ayaa kooxaha hadhay qaar Gudiga Ciyaaraha Deegaanka ay u cuskadeen Qodobka Anshaxa iyo Hab-maamuuska ciyaaraha sidaasna looga dhigay Dis-qualified,hadaba tartankan oo u gudbay wareegii labaad ayaa waxay aad u xanbaarsan yihiin xiiso aad u badan waxaanan dhawaan ka war sugi doonaa kooxda hanata koobkaasi dhexyaalka u ah 8da kooxood.