Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasaaradda Gaadiidka iyo ganacgisa DDSI oo hirgaliyay 29 iskaashada oo dibada ka soo dajiya raashinka cashuu- dhaaf ah.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis Sep 05,2013.Xukuumada DDSI ayaa 3dii sano ee ugu danbaysay guulo waa-wayn oo wax ku oola Guud ahaana 9ka Deegaan ee DFI Muunad waxqabad kudayasho mudan ka soo haysay dhamaan hirgalinta qorshayaasha horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban iyada oo xukuumadu guntiga dhiisha iskaga dhigtay Dajisatayna qorshayaal Diirada lagu saaray ka midho-dhalinta Dhinacyada iyo isbedelada Degdega ah ee waxqabadka horumarineed.

Dhanka kale Xukuumada maanta jirta ayaa markasta qorshaha 1aad ka dhigataa hadba waxkaqabashada baahida aasaasiga u ah shacabka DDSI sida Biyaha,Caafimaadka,waxbarashada,isgaadhsiinta iyo ladagaalanka Saboolnimada si kor loogu qaaado Kobaca dhaqaale. . Haddaba mar uu wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews booqday saaka wasaaradda gaadiidka iyo ganacsiga DDSI Ayaa waxa uu xafiiskiisa kula kulmay Gadh-wadeenka geedi socodka qorshaynta, qiimaynta, dabagalka iyo xidhiidhka hay'adaha ee wasaaradda gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Maxamed Cali Daahir.

Wuxuuna warbixin dheer ka siiyay waxqabadka wasaaradda ee ku aadan dhinaca ganacsiga sharciga ah si ay bulshada u hesho maciishad qiimaheedu aad u hooseeyo lana xaqaiijiyay tayadeeda iyada oo la mariyo nidaamka sharciga ah ee ganacsiga iyo Hubinta Heerka tayada maciishada Suuqa.

Agaasinkan ayaa ka warbixiyay Qorshayaasha iyo Himilooyinka xafiiska yidhina” Sida kucad hadafka iyo himilooyinka uu hiigsanayo xafiiska gaadiidka iyo ganacsigu dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ayaa waxaa kamid ah kuwa ugu muhiimsan fidinta ganacsiga sharciga ah,xadaynta sicir-bararka,habka sharciga Ganacsiga iyo Shatiga,la dagaalanka kootarabaanka,bixinta Shatiyada LC iyo qodobo kale taasooy xukuumada DDSI dadaal dheer u gashay sidii loo kobcinlahaa ganacsiga sharciga ah loona yarayn lahaa ganacsiga sharci darada ah.”

Mar uu ka hadlayay masuulka nidaamka lagu wajahayo dhinaca ganacsiga ee ay isla meel-dhigeen dawlada fadaraalka itoobiya iyo xukuumada DDSI ayaa waxa uu yidhi” Iyadoo taasi laga duulayo ayay dawlada federaalka dalka itoobiya iyo xukuumada DDSI isla meeldhigeen maadaama Deegaanka soomaalidu dhaqan ahaan Quutal-daruurigoodu yahay raashinada Dalka dibadiisa laga keeno sida Bariiska iyo baastada in ganacsadada DDSI ay raashinka dalka dibadiisa kaga soo galiyaan si canshuur-dhaaf ah lana siiyo Shatiyada LC ujeedaduna tahay in raashinkaas canshuurdhaafka ah looga faaiideeyo dhamaan shacabka DDSI Qiimo-jabana ku helaan ayaa waxaa uu xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga DDSI uu aas-aasay 29 iskaashato oo raashinkaas canshuurdhaafka ah gaadhsiiya dhamaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka kuwaasoo ah ganacsatada deegaanka”.

Waxaa kale oo uu masuulku sheegay in iskaashatooyinkaasi sidii loogu talagalay u wadaan raashinkaasi cashuur-dhaafka ah bulshaduna ay ka heleen miciishad ka jaban tii ay markii hore ka heli jireen suuqyada ay ganacsatadu hadba qiimahay rabaan ka siin jireen(Monopoly ahaan jiray), mar uu ka hadlayay sida ay ka xafiiska ahaan ula shaqeeyaan iskaashatooyinkaasi ayaa waxa uu sheegay in ay markasta qiimayn iyo dabagal ku hayaan qaabka ay raashinka bulshada u gaadhsiiyaan wuxuuna yidhi” Si arintaas looga midho dhaliyo ayaa waxaa uu xafiisku kooxo qiimayn iyo dabagal kusoosameeya iskaashatooyinkaas raashinka soo dajiya ukala diray gobolada qoraxay,shabeelle, jarar, siti iyo faafaan wareega koobaad iyadoo wareega labaadna la qorsheeyay in la soo kormeero gobolada kale waana mid lagu soo xaqiijinayo in raashinka canshuurdhaafka ahi gaadhay shacabkii loogu talogalay.

Ugu danyantii ayaa waxa uu masuulku sheegay in ay ka xafiis ahaan ka go’antahay in ay bulshada deegaanka ka qabad tiraan dhamaan baadiyadooda dhinaca miciishadaha ah.