Wareegii 2aad ee ciyaaraha kubada cagta oo ay maanta 4 kooxood fooda is dareen.

Jigjiga(CakaaraSport) Khamiis Sept 05,2013.Sidaad warar ka yagii hore ku dheehateen waxaa wareegii 2 aad ee ciyaaraha u soo gudbay 8 kooxood kuwaasi oo ay 4 ka mid ah u soo bixi doonaan wareega semi-finalka,iyadoona saaka uu bilaabmay isreebreebka ciyaaraha wareega 2aad halkaasoo ciyaar aad u diiran oo wadatay xamaasad ciyaareed aad u heersareeya ku dhexmartay garoonka ay ciyaaruhu ka socdeen kooxda gobolka liibaan iyo kooxda ismaamulka magaalada Goday ciyaartaa oo ahayd mid aad u xiiso badan islamarkaana ay daawashadeedka ka soo qayb galeen taageerayaal aad u tiro badani, ayaa waxay ku bilaabmatay dar-dar xoog leh weerar iyo weerar celin.

Ciyaartan ayaa waxaa goolka ugu horeeyay dhashatay kooxda gobolka liibaan markii uu goolkaasi dhashay ayaa waxaa taageerayasha kooxda liibaan isla sarakaceen sawaxan iyo sacabayn ay siwayn ugu faraxsanyihiin goolkaasi kuna sii dhiirigalinayeen kooxda. Hore ayaa waxaa loo yidhi guul lagaaga danbeeyo guul kuuma ahee Daqiiqadihii ugu danbeeyay ciyaarta waxaa gool aad u qurux badan oo ah goolka bar bardhaca ah ku guulaystay in ay dhaliyaan kooxda ismaamulka magaalada Goday Waxayna ciyaartaasi wakhtigii loogu tala galay ku dhamaatay 1 gool & 1 gool.

Maadaama loo baahan yahay in ay labadan kooxood midkood u soo baxdo wareega xiga ee Semifinalka 4 kooxod ayaa sida uu dhigayo sharciga ciyaaraha waxaa loogu daray daqiiqado dheeri ah kadibna waxaa la dhigay Rigoore ama gool ku laag waxaana ku guulaystay gool ku laagaa kooxda ismaamulka magaalada goday sidaasi ayay guushu ku raacday islamarkaana u soo gudbay wareega 4 kooxood ismaamulka magaalada goday.

Sidoo kale waxaa maanta galinkii danbe isku haleeyay ciyaaro kulul kooxda gobolka afdheer iyo kooxda ismaamulka magaalada qabridahar ciyaartaa oo ahayd mid aad u qurux badan ayaa waxay guushu ku raacday oo badiyay kooxda gobolka Afdheer ka dib markii ay kaga badiyeen kooxda ismaamulka magaalada qabrihadar 3 gool iyo 0 waxayna ciyaartu ku dhamaatay Afdheer = 3 gool mm qabridahar =0 iyada oo ay wareega 4ta kooxood u soo gudubtay kooxda gobolka afdheer waxaana ka war sugaynaa ciyaaraha barito kooxaha ka soo baxa.