Faaqidaada Ciyaaraha Gobolada iyo 4 Kooxood oo Maanta Fooda Isdaray.

Jigjiga(CakaaraSport) Jimce Sept 06,2013.Ciyaaro kulul ayaa maanta ku dhexmaray 4kooxood garoonka ay ka socdeen ciyaaruhau waxaana saaka wada ciyaaray Ciyaar aad u xiiso badan kooxda gobolka Nogob iyo kooxda gobolka Siti ciyaartaasi oo ku bilaabmatay dar-dar xoog leh taasooy labada kooxoodba soo bandhigeen waxay Awood iyo xeelad ciyaareed lahaayeenba ayaa waxaa qaybtii hore ee ciyaarta gool aad u qurux badan oo si wanagsan la isugu soo dhiidhiibay shabaqa ku hubsatay kooxda gobolka nogob.

Qaybtii hore(Lugtii Hore) ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 iyadoona ay labada kooxoodba xeelad iyo khibrado ciyaareed oo dheeri ah ay tababarayaashoodu soo siiyeenkadibna qaybtii danbe ee ciyaarta markii fooda la isdaray ayaa ay kooxda gobolka siti la timid dardar horleh iyo ciyaar aad u qurux badan islamarkaana ay ka muuqatay xirfad aad u heersaraysa taasoo kala daadisay carcartii qaybtii hore ay Kooxda Nogob ku dhashatay Goolka. Hujuunkii iyo Weerarkii ba'naa ee ay Kooxda Gobolka Siti ku khalkhalisay Difaacii Nogob ayaa u suurtogaliyay in ay iska soo Gudaan goolkii lagu lahaa si qurux badana Shabaqa Goolka Nogob ugu hubsadeen waxayna ciyaartii 90kii daqiiqo ku dhamaatay 1-1 gool ciyaartaa oo is reeb reeb ah ayaan markii ay dhamaaday aan lagu darin wakhti balse waxaa si toos ah loo guda galay in la dhigo Rigoorayaal ama gool ku laag. Waxa ciyaartaasu ku guulaystay in ay ku badiyaan kooxda gobolka siti,waxaana sidaasi ugu soo gubday wareega sedexaad(semifinalka) kooxda gobolka siti.

Ciyaartii danbe ee maanta galankii danbe dhacay waxaa fooda isku daray kooxda gobolka shabeele iyo kooxda gobolka doolo ciyaartaa oo ahayd mid xiiso gaar ah leh islamarkaana ay ka soo qayb galeen taageerayaad aad u tiro badan waxaa ciyaartaasi guushu ku raacday gobolka doolo dib markii ay u suurta gashay kooxda gobolka doolo in ay dhashadaan 1 gool islamarkaana u suuroobi wayday in ay iska soo badaan goolkaasi koxda gobolka shabeele waxayna ku dhamaatay ciyaartasi Doolo= 1 GOOL. Shabeele=0 waxaana u soo gudubtay wareega 4ta ah kooxda gobolka DOOLO.

Haddaan eegno 4 kooxood ee u ku soo baxay wareega 3aad waxay kala yihiin kooxda 1- kooxda ismaamulka magaalada Goday 2- kooxda gobolka Afdheer, 3- kooxda gobolka Siti 4- kooxda gobolka Doolo.