Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ra'yiga Dadweynaha:-Alla Hashu markay meeshaa mareysey yaa yax yidhaa"Garasho La'aanta Midhaha Laga Dhaxlay Dimoqraadiyada iyo Aragtida Dheer ee Madaxweyne CMC".

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti Sept 07,2013.Nin hal geelihi ka luntay ayaa raadkeedii oo uu yiqiiney ku arkay meel ay shalay martay, markaasuu yidhi Alla Hashu markay meeshan mareysey yaa yax yidhaa. Hadalku waa qoomamo iyo nidaamo, wax habayaraatee uu markaas u taraayaana majirto,waxaa calaacalka ka baajin lahaa isagoo markii horaba hashiisa ilaashada. Waxaa taa lamida masuuliyad kasta oo kusaaran ood dhayalsato ama aad baylihiso, xataa haday tahay Caruurtaada iyo qoyskaaga. Bal ka warran haday masuuliyaddu tahay dhul dhan iyo shacab dhan oo kaa baylaha.

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha sar-sare ee maamulkiisa ka tirsan ayaan kol kaliya cagta dhulka dhigin ama u heensaysan raaxo iyo tamashlayn oo kormeer,wadatashi,daraasaad iyo u kuurgalid joogta ah ku jira dalka gudihiisa iyo meelaha dibad-joogtu (qurba joogtu) ku badantahayba 5ta qaaradoodba,oo waliba Madaxweynaha aad moodid inuu jecelyahay inuu qoys ama shakhsi kasta oo u dhashay Deegaankan Soomaalida Itoobiya inuu meeshey joogaan kusoo booqdo,kula soo tashado dalka gudihiisa haku sugnaadeen ama dibadiisee,si uu xaaladda noloshooda uga warqabo.

Waxaad arkaysaa dad isweydiinaya oo odhan Madax-weynuhu safar badanaa, waa markuu wareeg dheer ku sameeyo dalka gudihiisa oo uu intaas oo Gobol iyo intaas oo dagmo isusoo maro xiliyada ay ugu adagtahay cimiladu sida kaliisha iyo bisha ramadaan isagoo xaaladahooda nololeed iyo tooda nabad galyo u kuurgalaya, si uu wixii wax ka qabasho u baahan ee maamulada meelahaas jooga katanroon ama ka qarsoon uu wax uuga qabto. Waxaa kale oo taa lamida, safaradiisa dibadda ah ee uu kusoo kormeero Qurba joogta deegaankan u dhalatay meelaha ay ku noolyihiin, isagoo waa mare, warbixin kasiinaya xaaladda dalkoodii hooyo dhan kasta oo laga eego,isgoo ku dhiirrin galinaya iney dalkoodii soo maal gashadaan iyo isagoo usoo kuur galaya xaaladooda nololeed, akhlaaq ahaan,tacliin ahaan,wadaninimo iyo xusuusta dalkoodii,illeen Madax weynuhu ma aha Madax weynaha dhulka DDSI oo kaliya, ee waa Madax weynaha dhulka iyo shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhan meeshey doonayaan haku noolaadeene. Marka safaradiisa badan gudo iyo dibadba,

waxay lamid yihiin ninkii Geela lajoogay ee lahaa:Hooh-Hooh in badanna ku cel-celinayey kalmadaas ee lagu yidhi war Hooh-Hooh badnidaa! Ee ku jawaabay Geelu hakuugu xasilo umbaan leeyahay! Xigmadbaa iyana ahayd “AL WIQAAYATU KHAYRUN MINAL CILAAJ” hadaadan marka hore taxadarin oodan baylahdaada ilaashanin dhowaan goor Xeedho iyo Faldhaan kala dheceen waxba ma qabankartid, marka ninka ragga ah ee feejigi waa kan wuxuu masuulka ka yahay habeen iyo maalin kormeera ee ku dulwareega, ee illa kuseexda illa kusoo jeeda.

Gaba-gabadii: Shacabka Soomaalida Itoobiya ma aha mid dhibbadan oo laxukumi kari la’yahay, sidii Orgigii layidhi war qaylo badnidaa! Ee yidhi Xilahaygii ayaa Allaah igu direy, ee waa shacab xasiloon oo kalsooni buuxda ku qaba Madaxdooda iyo Maamuladooda ee arrintu waa: Hooh-Hoohda badan Geelu hakuugu xasilo umbaan leeyahay.

Qore: Abdulqadir Jiilaani