Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Inkastoo Haraad,Daranyo, Hiirtaanyo iyo Aqoon la’aan Dadku Cuduro soomaray,,Halyey Ayaa Inoo Kacay'Madaxweynaha DDSI Abdi mahamud Omar La'Aantiina Nolasha Somalida Itoobiya Kujirto Lama Heleen(Hiigsadeen)

'''Qeybtii1aad.

'Qalinkii''Omar mahamud Farah

Ra'yiga(Cakarara'yi)Maamul-Suuban Oo Ku Tartama Wax Uqabashada Bulshada Iyo Kor uqaadida Nolosha iyo Niyad-samida shacabka somalida Itoobiya Waxaa Inoo Hor Seeday Madaxweyne Abdi mahamud Omar Ee Ma Ku Fara Adaygnaa Bulshooy Dhamaanteen?.

sida Aan Lawada socono umad kasta oo aduunkan kunool waxay soo martay dhibaato waxaana umad kasta ukaca halyay kasaara dhibaatadaasi sidaa si lamida waxay-umadeenu soo martay dhibaatooyin kala duwan Xataa intii kadanbaysay xukuumadihii Dhargiga iyo Xayle Salaase.

waxaana dhibaatooyinkaasi Aas Aas u`ahaa Maamul xumo waxaana bulshadeena ku dhacay Jahawareer siyaasadeed oo ay kafaa`iidaysteen ururada nabad-diidku Iyo Inta An Jeceleen Nolasha somalida Gobolka waxaana wadanka ka cararay dhalinyaro farabadan oo ay maamul-xumadaasi sahayatay iyada oo qaar badan oo dhalinyaradaasi kamid ah ay nabaddiidku u isticmaaleen inay hurmarka Bulshadooda la dagaalamaan naftoodana ay ku waayaan waddo qaladan.

Intaasi kadib nasiib wanaag waxaa Masraxa siyaasadda soo galay Madax-Waynaha' Talada Kililka Haya'mudane cabdi maxamuud cumar. oo noqday Halyay Qaran kadib markuu qaaday waddo kaduwan wadooyinkii xukuumadihii Ka horeeyay ay qaadi jireen wuxuuna layimid kalsooni iyo haykal Dawladnimo oo dhab ah wuxuuna Seeska udhigay horumarka maanta Deegaankeenu ku Naaloonayo(Ku Faaano)waxaa xusid Mudan in madaxwayne Abdi maxamuud cumar uu meesha kasaaray fawdadii iyo Is qab qabsigii,La soo Dalaa Dhacay Kililku,oo xaqiiqdii kamid ahaa waxyaabihii Ragaadiyay madaxweyne Yaashii Ka Horeyey,

Maamuladii Kililka Soo maray Ayaa Ahaaa Kuwo Aan Kalsooni Iyo Karti Wadaniyadeed Oo Ay Wadanka Ku Mamulaan An Lahayan Taasi Waxay Sababtay' In shaki kagalo Qowmiyadaha kale Jinsiyada itoobiyaanimo ee Qowmiyada soomaalida itoobiya Ayaaa Halkaa Sawir Folxun Ka Qaday Aamintayna In Shacabka Somalida Itoobiya La Mid Yahiin Somaliweynta Burburtay Ee Aan Ismaamuli Karin,Lahayana Wadaniyad Iyo Qaab Dowladeed.

Waxaan Xasuustaa Xiliyo Dawalada Dhexe Ku Sigatay In Fara Galin Ku Samayso Mamulka Kililka Kadib Markii Lagu Qiimeyey hogaamintii In Ayna Ismaamuli Karin,Sidii Kililka GANBEELA.Halkaana Waxaa Ka Faa-iideysatay Canaasiir Dano Khaas Ah ka Lahayad deegaanka Sida Dhaqaalaha,dhul-balaadhsiga Iyo Siyaasada Xukun''Sharaftii Deegaankana Dhulka Lagalay.

Taas Waxaa Been Yidhi Dal-daweeye Mudane Madaxweyne Abdi Mohamoud Omer Oo Tusay Dawalada Dhexe In shacabka Somalida Itoobiya Ku Jiran Halyeeyo,Ku Dayasho Mudan. Maamuli Karaana 90kaMilyan Ee Itoobiyaanka Ah Waxana Sidaa Yidhi Shaqsiyaadka Ugu Caansan EHTIOPIA?.

Waxaana U Makhraati Furay Aqoon Yahanada,Abwaanada,Hogaaminta Dhaqanka,Madaxda Deegaanada Iyo Saxafiyinta Itoobiya Oo Boqosho Ku Maray,Gobolada shabeele.Qorahay,Faafan Iyo Jarar.Kadib Markii Shir Kuwada Yesheen, Magalada JiGJIGA, Hollka Weyn Ee Sayid Mahamed Abdile Hassan,wuxuna halkaa Ka Jeediyey Khud Bad Socotay Saacado Kana Sheekeyey Taariikhda Gobolka Ogaden Iyo Wax Yaabihii La Hadhay,Taasi Waxay Shaqsiyaadki Ethiopia Ugu Cansanaa Ka Badashay Maskaxdii Hore Waxayna Ka Garabeen Dhibatada Ku Habsatay Shacabka Somalida Itobiya,'Waxayna Ku Tilmaameen Madax Weyne,Abdi mahamud Omar,Saxafi,Qoraa,Abwaan.Ma Jaajuleeste,macalin,Siyaasi Wadani Buuxin Kara Booskii Uu ka Baxay,Rasalwasaarihii Aragtida Dheera Meles Zanaawi.

Ina'guna Hadaynu Nahay somalida DDSI Waynu Hubnaa Xaqiijinayna In MC noqday Hogaamiye Aragti Dheer oo sugay Xaqsoorka Cadaleed ee Xukuma 9milyen Ee Som,Ethiopia iyadoona Habka Qaabdhismeedyada maamulka Aqoonyahanka Dhalinyarada Ah Ee Abdi Mahamud Omar madaxda U yahay,Ayaa Xasuus Iyo Taariikh Biloow Ah Lagu Xasuusan Doona Baal cusub oo dib u soo nooleeyay jiritaankii iyo sharaftii umadeed Waxaana Filayaa In Aqoon Yahanada Iyo Qorayaasha Deegaanku Qalinka Uqadan doonan Buugag Iyo Maqaalo Badana Ka Sameyn Doonaan loogana Bahan Yahay In Qalinka Uqataaan?Waxna Ka Qoraan Qodobadan -Horumarinta Arimaha Bulshada Sida;-

-Kobaca Dhaqaale ee Dagdaga Ah -Heerka iyo Waxbarashada tayada leh -Cafimaadka Tayeeysan -helida Biyo Nadiif Ah -Abuurida maamulka Suuban,Adeega Shacabka Iyo Isku Kalsoonida -Fidinta Iyo Abuurista dib u soo noolaynta Fanka iyo Dhaqanka Deeganka Siiba Dhaantada -Barnaamijka Dib U Curashada Oo Aana Mara Qoraal Ku Soo Koobi Karin,Guusha Uu Keenay.

-Kobcinta Luqada Afka Soomaaliga iyo Doorka manhajka Waxbarashada. Halku Dhagana Looga Dhigay Dib-U curashada iyo Dinta Shacabka Raac''''' Qodo'badan Ayaan Rajeenayaa In Inta ALLE Iga Karansiiyo In Aan Qoraalo Ka Sabeen Doono Maamul Suuban Oo Ku Tartama Wax Uqabashada Bulshada Iyo Ilaalinta Niyadda shacabka somalida Itoobiya Waxaa Inoo Hor Seeday Abdi mahamud Omar Ee Ma Ku Fara Adaygnaa?

Lasoco'Qeybtii2aad'

Qalinkii''Omar mahamud Farah