Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ciyaaraha 4ta Kooxood ee Semi Finalka Ku Hardamaya oo Maanta Fooda Isdaray iyo ismaamulka Godey iyo Afdheer oo u Gudbay Ciyaarta Kama Dambaysta ah(Finalka) Koobka Yaa Hanan Doona.

Jigjiga(CakaaraNews)Axad Sept,08,2013.Waxaa maanta la soo Gunaanaday wareegii 3 aad(Semi-final) ee tartanka kubada cagta ee ay ku loolamayeen 4 kooxood oo iyagu ka soo gudbay wareegii 2aad ee ay 8da kooxood fooda isku dareen kuwaasoo mudh ka soo yidhi 13kii kooxood ee 9kii gobol iyo 4 tii ismaamul magaalo.

Haddba 4ta kooxood ee isku hardiyay ciyaaraha Semifinalka ee lagu beegsanayo Ciyaarta kamadanbaysta Koobka lagu hananayo ayaa kala ah kooxda 1-ismaamulka magaalada goday, 2-kooxda gobolka Siti 3-koxda gobolka afdheer iyo 4-kooxda gobolka doolo. Hadaba waxaa barqinkii saaka ahaa Fooda isdaray kooxda Gobolka Siti iyo Kooxda Ismaamulka Magaalada Goday ciyaartaasi oo ahayd mid aad u qurux badan islamarkaana ay ka soo qayb galeen taageerayaal aad u tiro badan oo buux dhaafiyay.

Garoonka ay ciyaartu ka socotay ayaa bilowgii ciyaarta labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan taasooy ka muuqatay xirfad-ciyaareed iyo tabo cusub oo ay ku bidhaansanayeen hanashada Koobka,Balse waxaan u suuroobin labada kooxba bilowgii ciyaartaa ilaa dhamaadkeedii in ay wax gool ah kala dhashadaan waxayna ciyaartu 90kii daqiiqo ee loogu tala galay ku dhamaaday 0 & 0 kadibna waxaa loo dhigay Rigoorayaal ama gool ku-laag waxayna ciyaataasi guushu ku raacday oo xaqiijiyay in ay u soo baxaan Ciyaarta (finalka) kama danbaysta ah kooxda ismaamulka magaalada Goday oo ah iyadu kooxda kaliya ee ka soo hadhay 4tii ismaamul magaalooyinka DDSI.

Dhanka kale waxaa isla maanta galinkii danbe is haleelay kooxda Gobolka Doolo iyo kooxda gobolka Afdheer waxaana daawashadeeda ka soo qayb galay taageerayaal aad u tiro badan oo ay ka muuqaday wajiyadooda xamaasad ciyaareed oo aad u heer sareeysa waxay ciyaartu oo ku bilaabantahay dar-dar xoog leh weerar iyo weerar celin,isku dhiidhiib,tab iyo xeelad iyo furfurid difaaca ayaa ay qaybtii hore ee ciyaarta u hirgashay in ay gool aad u qurux badan dhashadaan kooxdii ka socotay Gobolka afdheer Ciyaartiina Noqotay 1-0.

inkasta oo ay kooxda gobolka doolo la yimaadeen qaybtii danbe ee ciyaarta weerar aad u kulul oo ay doonayeen in ay iska soo badaan goolka lagu leeyahay hadana u may suuroobin in ay iska soo gudaan goolkaasi waxayna ciyaartu ku dhamaaday 1 GOOl ay leeyiniin kooxda gobolka Afdheer iyo kooxda gobolka Doolo oo aan wax gool ah dhashan waxayna sidaasi guushu ku raacday islamarkaana u soo baxay wareega ugu danbeeya ciyaarta finlaka kooxda gobolka Afdheer.

Dhanka kale markii ay dhamaaday ciyaartu waxaa damaashaad iyo dabaal deg aad u xamaasadaysan isla dhexqaaday taageerayaasha iyo ciyaartoydii kooxda gobolka afdheer. Waxaa Xusid Mudan in kooxda gobolka Doollo aan tan iyo intii ay ciyaaruhu bilaabmeen mar qudh ah aan la kulmin guul-daro oo aan marna laga badin in ay soo badiso mooyaane hogaaminaysayna dhanka dhibcaha Groupkeedii,kooxda Gobolka Doollo ayaa ahayd Koox aad u adag iyadoona dadka falanqeeya ciyaaraha ay u aanaynayeen in Doollo aan koobka laga xigin.

Sidoo kale Waxaa iyaguna dhamaad ku dhaw dhamaan tartanadii Ciyaaraha Fudud iyo Athleticska ee ka socday xarunta deegaanka ee jijiga waxaana maanta qabsoomay tartanka Oradka 1500m waxaana kaalinka 1aad galay gobolka liibaan halka kaalinka 2 iyo 3 uu galay gobolka faafan. Ciyaaraha bootinta ayaa waxaa iyaga maanta kaalinta 1aad galay Yuusuf aadan oo u tartamayay gobolka liibaan, kaalinta 2aad waxaa galay shucayb ismaaciil oo u tartamayay gobolka afdheer halka uu kaalinta 3aad galay caateeye oo u tartamayay gobolka Siti.

Ciyaarahan kala duwan ee maalmahan si habsamiya uga socday garoonka ciyaaraha ee jigjiga ayaa waxa uu haatan ku dhawyahay gabo-gabo iyada oo ay hada dhinaca ciyaaraha kubada cagta ay isku soo hadheen oo ay koobka duljoogaan 2 da kooxood ee ismaamulka goday iyo kooxda gobolka afdheer.