Adeegga loo qabto bulshada DDSI iyo Himilooyinka Hogaaminta

Hordhac gaaban:

Jijiga(CakaaraRa'i)Isniin Sep 09,201.Soomalidu meel kasta ooy ku dhalato ama ay ku dhaqanto waxay wadaagaan ama ka dhaxeeya dhaqanka miyiga iyo kan magaaladaba. Waxaana ugu wacan labada dhaqan waa ka miyiga iyo ka magaaladee oo ugu yaraan 40kii sano ee ugu dambeysey aad isugu soo dhowaadey, oo la’odhan karo gobolada qaarkood wayba is dhexgaleen.

Miyigu intuu soo guurey magaalo manoqonine,ee magaaladiibaa miyiga ku faaftay, oo waxkasta oo Reer magaalku ku dhaqmi jirey ayaa Reer miyigu hadda ku dhaqmaa ( qaadow,sigaarow, balwada kalow,dharka la xidhow iyo wax kasta oo magaalo lagu conow). Hordhaca hadaan intaa ku dhaafo, dantaan kalahaa meelaha ay ka mideysanyihiin ayaan hal tusaale kasoo qaadan; reer miyiga hadii Geela ama xoolaha kalaba uu u raaco (u foofiyo) nin aad loogu kalsoonyahay, oo feeyignaantiisa lahubo, ragga intiisa kale intey si kalsooni ah maryaha u doonyeystaan ayey Jiljiiska shaxda ku ciyaaraan, hadii geela nin damani raacana,raggu maanta oo dhan abbow maxay noqonta umbuu hayn oo wal-walbaa dili,casar dheerra waa laga hortagi.

Hadaba baylahdaas ama baylahtirkaas oo kale ayaa baladkana yaalla oo waliba si aada u muuqanaya markay arrintu tahay heer Dawlo ama maamul Deegaan. Hadaba aan hoos u dagee, ninkii u dhabba gala sida maamulka deegaankeenu (DDSI) u shaqeeyo ama bulshada uu ugu adeego ayaa waxaa u soo baxaysa in shaqada ay hayaani ay tahay mid si aad iyo aada u baylah tiran, oo u dhamays tiran oon haba yaraatee lahayn meel lagaga noqdo iyo meel aad istidhaahdo alayaa halkaas sidaa ma ahee sidaa yidhaahda, sida xisaabta Aljabrada oo formalaheeda nin si aada u yaqaanaa ku xaliyey.

Waxaa marag madoona barnaamijyada xaqiiqda ah ee ay inoosoo Tebiyaan(bandhigaan) warbaahinta Deegaanka Sida Cakaaranews iyo ESTV, sida booqashooyinka madaxda Deegaanku ay ku booqdaan Gobolada,Dagmooyinka iyo xataa deegaanada Reer miyiga iyo beeraleyda, tusaala ahaan miyeynaan wax badan daawanin Madax weynaha ama kuxigeenadiisa ama masuuliyiinta xukuumadiisa (wasiiradiisa) ama masuuliin kale oo dhididku labadaa kadhacayo oo lug ku wareegaya meelo baadiye fog-fog oo ka turjumaysa Heerka Horseedka Madaxweynaha Deegaanka oo bilaabay in heerkasta lagula socdo habnololeedka shacabka. Alleelehe daawanay wax badan.

Waxaa iyana marag madoona, dhammaan shaqada Xafiisyada Xarunta ee Jigjiga oo labada galinba laga shaqeeyo, haday noqoto Madax weynaha iyo dhammaan xubnaha kale ee Deegaanka heer kasta ooy yihiinba.

Hadaad usii fiirsato waxaad aad ugu bogeysaa sida xafiis waliba dhexdiisa u wada shaqeeyo(Team-Work) iyo sida xafiisba xafiiska kale ula shaqeeyo, amase iskaashiga iyo wada shaqaynta dhammaan xafiisyada iyo hay’adaha DDSI(Chain of Command). Waxaan faaladaydan kusoo gaba-gabaynayaa, adeegga maamulkeenu bulshada u hayaa waa mid dhamaystiran oo baylah tiran ee ninkuu shaki kaga jirow mooyidaadaba.

Gundhiga hal-abuurka hadal-qoraalka ayaa ku sargo’an:-Markii Deegaanka Soomaalida Itoobiya Helay Hogaamiye Aragti Dheer Waxaa Xawli Uga Hirgalay Horumar,Dhaqan-Dhaqaale oo Soo Jiitay Indhaha Caalamka. Abdulqadir Jiilaani