Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

xafiiska maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI oo 180 ka mida sarkaalada hanti-dhawrka Gudaha xafiisyada Heer-Deegaan u Qabtay Shir Ku saabsan falanqaynta Hab-raacyada Qul-qulka Miisaaniyada.

jigjiga(cakaaranews) Jimce sept 13,2013.Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ddsi oo Ku Hawlan Ka sakow Hirgalinta Qorshayaasha GTP ka Midho-Dhalinta Qorshaayasha Kala Duwan Ee U Dajisan Xafiiska Sanadka 2006 T.I si loo maareeyo Miisaaniyada Guud ee Deegaanka,

hadaba Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Waaxdiisa Dabagalka Isticmaalka Misaaniyada Iyo Kormeerka oo Ka Duulaysa Hirgelinta Qul-qulka Miisaaniyada Qorshayaashasi Kala Duwan Ee U Dajisan Xafiiska Ayaa soo agaasimay shir Ku Saabsan hawlaha shaqo ee Hanti-Dhawrka Gudaha ka hawlgala Xafiiskayada Heerdegaan Iyo Xogaha Dhibatooyinka Dhinaca Maaliyada Ee Sanadkii 2005 lala kulmay xalintooda Si Ayna Ugu Gudbin Sanadka 2006da.

Kulankani Oo Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Hamda-Hotel Ayaa Waxaa Furitankiisi Ka Hadlay Wasir-kuxigenka Xafiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ddsi Mudane: Mubashir Dubad Raage Isagoo Ugu Horeyna U Mahadceliyey Dhamaan Xubnihii Ka Soo Qaybgalay Kulankani Kadibna Tilmaamay Ahmiyada ay U Leeyahay Kulankan Maaraynta,Tilmaamaha,sugida iyo raad-raacyada Maaliyadeed loona xakamayn lahaa Musuqa iyo Qorshe Xiliyad ku shaqayn la'aanta.

Dhanka kale Shirkan Wadatashiga Hantidhawrka Gudaha Ee Xafiisyada Heer Degaan Ayaa Inta Uu Socdo Waxaa Xooga Lagu Saari Donaa Sidii Fahan Buuxa Looga Qaadan Lahaa Xidhiidhka shaqo,Shaqooyinka Hanti-Dhawrka Gudaha Iyo Hirgelinta Qorshayaasha Dhinaca Iibka , Xisabaadka Diyaarinta Warbixinta Qul-qulka isticmaalka maaliyada,sugida habraacyada miisaaniyada Iyo Qorshaynta Ugu Dambeyntina Halkaasi Lagu Soo Bandhigi Donaa Waxqabadka Xafiisyada Heer Degaan Ee Dhinaca Maaliyada. Sidoo Kale Kulankani Ayaa Inta Uu Socdo Waxaa Lagu Lafa Guridonaa Habka Ugu Wanaagsan Ee Dhibatooyinka Dhinaca Maaaliyada Ee 2005 Si Ayna Ugu Gudbin Sanadka 2006 T.I.

Dhinaca Kale Kulankan Inta Uu Socdo Waxa Ay Ka Qaybqaatayaashu Ay Ka Faidi Donaan Sidii Loo Sixi Lahaa Nidaamka Xisabaadka , Nidaamka Iibka Iyo Qorshaynta Islamarkana Loo Gaadhi Lahaaa Hadafka Iyo Ujeedooyinka Xukuumada Ddsi Ay Ku Doonayso Inlaga Midho –Dhaliyo Qorshayaasha Kala Duwan Ee Dhinaca Horumarka Ee U Dajisan Degaanka .

Ugu Damneyntii Kulankani Wadatashiga Ahaa Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay 180 Xubnood Oo Ka Kala Socday Xafiisyada Heerdegaan Iyadoo Xafiiswalba Uu Ka Socday 4 Xubnod Oo Kala Ah Gadhwadeenka Geedi Socodka Maaliyada , Sarkaalka Iibka ,Gadhwadeenka Geedi Socodka Hanta-Dhawrka Gudaha Iyo Gadhwadeenka Geedisocodka Qorshaynta Ayaa Kulankani Marka Lasoogabagabeeyo Waxaa La Filayaa In Ay Kasoo Bixi Donaan Go’aano Dardar Gelindoona Qorshayaasha Kala Duwan Ee U Dajisan Xafiisyada Heer Degaan Waxa Uuna Kulankani Socondonaa Mudo Sadex Maalmood Ah