Ciyaartii Finalka Koobka Kubada Cagta oo Ay Maanta Fooda Is-dareen Xulka Maamulka Magaalada Godey iyo Xulka Gobolka Afdheer oo noqday horyaalka sanadkan.

Jijiga(CakaaraSport) Axad Sept 15,2013.Waxaa Maanta Ka Socota Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Jigjiga Ciyaartii ugu Danbaysay ee Lagu hanan lahaa Koobka Tartanka Kubada Cagta ee 9ka Gobol iyo 4ta Maamul Magaalo oo ay isugu Soo hadheen Xulalka Kubada Cagta ee Gobolka Afdheer iyo Maamulka Magaalada Godey.

Hadaba galinkii hore ee maanta ayaa ay fooda isdareen Maamulka magaalada godey iyo Xulka Gobolka Afdheer iyadoona maanta uu garoonka ay ka dhacaysay ciyaartu gabi ahaanba ay buuxdhaafiyeen taageerayaasha labada kooxood iyo masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo ay ka mid ahaayeen madaxwayne ku xigeenka DDSI Ahna Wasiirka Hawlaha Guud iyo Horumarinta Magaalooyinka  mudane c/xakiin cigaal cumar, wasiirka madaxtooyada DDSI md c/casiis maxamed cabdi, wasiirka waxbarashada DDSI md Xasan Riyaale komoshineerka komishinka ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bille Xassan (mig).

Wax lagu looltamaba kubada dhextaalay labada kooxood ee uu hortooda ka muuqday Koobku ayaa waxa ay u suurtogashay qaybtii danbe ee ciyaarta Xulka Gobolka afdheer oo Gool qurux badan ku hubsaday shabaqa Kooxda maamulka magaalada Godey ciyaartiina ku yara xasishay 1-0.

Kooxda Godey oo u tafaxaydatay in ay Goolka barbaraha ciyaarta la timaado ayaanay u suurtogalin 90kii daqiiqo in ay goolhayaha Xulka Afdheer daba-mariyaan kubada halkaasna uu Garsoorihii ciyaartu uu kaga reemiyay Sidhigii dhmaadka ciyaarta sugayna in Xulka Kubada Cagta ee Gobolka afdheer ku guulaystay hanashada Horyaalka Koobka Gobolada iyo Maamulada DDSI.

Dhanka kale waxaa iyaga la soo gaba gabeeyay tartanka ciyaaraha fudud ee dhamaan gobolada iyo ismaamul magaalooyinka deegaanka tartanadaasi oo iskugu jiray kuwa orodka bootinta iyo waliba kuwa kuwa kubada kolayga ama kubada gacanta ayaa waxaa saaka kuwii ugu danbeeya ka socdeen garoonka gaar ahaan dartanka oradka hadaba maadoomo oo ay badnaayeen tartanadani isma markaana aan hal war ah lagu soo koobi Karin aya waxaan soo koobnay natiiyada markii layku cel celiyay dhamaan ciyaarha fudud gobolada galay kaalinta koowaad ta labaad iyo waliba ta sedexaad.

waxaana galay kaalinta 1aad dhamaan ciyaaraha fudud Gobolka Siti, kaalinta 2aad gobolka faafan, halka uu kaalinta 3 aad galay gobolka afdheer. Haddaba waxaa maanta abaalmarino uu soo diyaariyay komishinka ciyaaraha la gudoonsiiyay kooxihii galay kaalmaha hore sida kooxda koobka qaaday kooxda gashay kaalinta 2 aad waa kooxda ismaamulka magaalada goday iyo waliba kooxda siti oo iyaduna gashay kaalinta 3 aad dhinaca tartanka kubada cagta.

sidoo kale waxaa saaka abaalmarino la gudooniisyay qaarka mid ah hayadaha dawlada iyo qaybo ka mid ah warbaahinta deegaanka oo kaalin balaadhan ka gaystay intii uu koobkani socday waxaanka mid ahaa dhinaca warbaahinta kuwa kaalin lama ilaawaan ah ka gaystay intii uu tartakani socday dhinaca webseteka waxaa lagu abaalmariyay in uu noqday websiteka kaliye ee sida habsamida leh ku tabinayay wararka ciyaaraha websiteka CakaaraNews oo qaaday lana gudoonsiiya koobka abaalmarinta Sanadkan ee Tebinta Ciyaaraha,halka dhinaca TVgan uu noqday ka mutaystay abaalmarinta TVGa ESTV waxaana abaalmarintaasi.

Madxwayne Kuxigeenka DDSI Ahna Wasiirka Hawlaha Guud iyo Horumarinta magaalooyinka mudane c/xakiin cigaal cuma ayaa waxaa uu koobka gudoonsiiyay kabtanka kooxda gobolka afdheer,halka kooxda maamulka magaalada godey oo gashay kaalinta labad uu gudooniisyay wasiirka madaxtooyada DDSI md c/ciis maxamed cabdi sidoo kale waxa isaguna gudoonsiiyay labaalmarinto kala duwan kooxihii kaalmaha 3 aad galay wasiirka waxbarashada md xasan riyaale. ugu danbaytii waxaa la dartaarmay kooxihii tartamayay kuwii kuwii guulaysay iyo kula kaleba madaxwayna ku xigeenka DDSI mudane c/xakiin cigaal cumar oo kula dar daarmay in ay dalaalkooda sii libin laabaan kuwa aan kulaysana in ay bari ku hamiyaan in ay kobka qaadinoonaan