Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti Heer-Deegaan ah oo uu Hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI iyo Madaxda DFI Abay Sahaye iyo Shifarew t/mariam oo Kormeer Hawleed iyo Dabagal ugu Baxay Fatahaadii Shaygoosh,Garoonka Diyaaradaha qabridahar iyo Mashruuca Waraabka Beer-caano.

Godey(CakaaraNews) Axad Sept 15,2013,Wafti heer-deegaan ah oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wafti Heer Federal ah oo ay Hogaaminayeen Wasiirka Arimaha Federalka Ato Shiferaw teklemariam iyo Agaasimaha Guud ee Warshada Sonkorta DFI Ato Abay Sahaye ayaa shalay ka ambabaxay magaalada jigjigaislamarkaana ku horeeyay Degmada Shaygoosh oo ay Indho-indhayn iyo u kuurgalid Habkii Fataxaada Toga shaygoosh ku falanqeeyay sida wax looga qaban lahaa.

Habeenkii xalay ahaa ayaa uu Waftigu ku hoyday Magaalada Qabridahar iyagoona Shirar la galay Maamulada halkaa ka jira,qaybaha bulshada iyo Injineerada gacanta ku haya Dhismaha garoonka diyaaradaha Magaalada Qabridahar taasoo si adag ugu adkeeyay in sida ugu dhaqsaha badan loo dhamaystiro Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Qabridahar ka dib Ayaa uu Waftigu u ambabaxay Dhanka Godey iyagoona uga sii gudbay Godey islamaantaba Dhanka Mashruuca Waraabka Degmada Beercaano.

Waftiga ayaa u kuurgalay intii ay joogeen Mashruuca Waraabka Beer-caano sida ay u socdaan Qorshayaashii looga gollahaa iyagoona dhanka kale Dabagal ku samaynayay Habka loo maray fulinta Qorshaha mashruuca waraabka,Dejinta Qoysaska,Adeegyada aasaasiga ah iyo sida xafiisyada ku lugta lihi u guteen waajibaadkii iyo adeegii shacabka ee laga rabay.

Dhanka kale Waftiga ayaa intaa ka dib dib ugu soo laabtay Fiidnimadii Magaalada Godey halkaasoo ay Caawa seexan doonaan iyagoona maalinka berito ah Gudagali doona kulamo ay la yeelan doonaan maamulada iyo Qaybaha Bulshada Godey.

Isku soo Wada duuboo Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xili uu Madaxwaynaha DDSI ka soo laabtay Socdaal uu ku tegay Dalalka Shiinaha iyo Dubai oo la xidhiidhay Beerista Bariiska,Beerista Cudbiga iyo Warshada Sonkorta oo laga dhisi doono Godey.