Ururka SEDYO oo Xaflad Aad u Balaadhan oo Fund-rising Loogu Samaynayay Dugsiga Hooyga iyo Agoonta Fiiq Ku Qabtay MN.

Mnniaoilise(CakaaraNews) Waxaa ka dhacday Magaalada Minniapolise Kulan balaadhan oo ay soo agaasimeen Ururka Dhalinyarada SEDYO looguna talogalay in Doorka Ururka Dhalinyarada iyo Qurbajoogtaba ka saaran Caawinta iyo ka warhaynta Agoonta uu Nabaddiidku waalidtiray ee ku xaraysan Dugsiga Hoyga iyo waxbarashada Fiiq. Munaasabadan ayaa ay ka soo qaybgaleen Jaaliyada,Qurbajoogta,Aqoonyahanka,waxgaradka iyo Hogaaminta SEDYO oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyahooda Mudane Maxamed Shariif oo ka soo qaybgalaayasha sharax aad u dheer ka siiyay Sidii Loogu guntan lahaa ka qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maalgashiga iyo Maamulka Suuban tilmaamayna in Deegaanku u baahan yahay Waxtarka shakhsi kasta oo ka soo jeeda DDSI.

Mudane Maxamed shariif ayaa tibaaxay halgankii dheeraa ee loo galay Heerka maanta Xukuumadu taagan tahay iyo la dagaalankii UBBO,isagoona carabka ku adkeeyay in ay Muunad u tahay waxqabadka Xukuumada Maanta ka jirta DDSI ee hormuudka u yahay Madaxwayne CMC Dhamaanba DFI kuna gaadheen wax aan ka badnayn 3sano oo uu xukunka hayay taasoo daliil u ah in Shacabka soomaalida Itoobiya hadii ay la yimaadaan Commitment sida muuqata in ay sanadaha fooda inagu soo haya la tartami karaan caalamka.

Sidoo kale Mudane maxamed Shariif ayaa sharax ka bixiyay Sooyaalkii ay Dhalinyarada SEDYO soo mareen iyo halgankii ay UBBO kaga xoreeyeen MN,isagoona carabka ku dhuftay in ay ku timi Dhalinyarada oo isku duuban kana madax-banaan danaysi,kooxaysi iyo Aragtida nabad-diidka.

Dhanka kale Gudoomiyaha SEDYO mudane Maxamed Shariif ayaa Carabaabay in Ururka SEDYO uu yahay urur la aqoonsan yahay oo leh Xeer-hoosaad iyo system isagugu yimaado isasaxa oo leh Qiimayn,dhaliil iyo isdhaliil uguna baaqa Dhamaanba Hogaaminta iyo Golaha Dhexe ee SEDYO in la isugu yimaado shir lagu sii dardargalinayo waxqabadka ururka tilmaamayna in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqaynta Sedyo,Jaaliyada,Guurtida Odoyaasha iyo Hay'ada SEWD la sii adkeeyo.

Waxaa Isaguna ka hadlay Mudane Badri Yuusuf Ciise oo ka mida Jaaliyada MN ayaa ku amaanay SEDYO waxqabadkoodii,islamarkaana si xeeldheer uga faalooday Waxqabadka Xukuumada Maanta ka jirta DDSI,Doorkii SEDYO iyo kaalinta laga doonayo dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee DDSI kuna amaanay SEDYO in ay Marxalad adag kaga soo talaabeen Midnimo,Daacadnimo iyo Dadaal wadaniyadeed.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Odoyaasha waxgaradka,Aqoonyahan iyo Qurbajoog iyagoona ku amaanay Dhalinyarada SEDYO waxqabadkooda iyo Dadaalka dheer ee ay u galeen la dagaalanka UBBO iyo in ay dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay meel isugu keenaan si iskuduubni loogaga qaybqaato Horumarka,N/galyada iyo Saxrtirka-maamulka suuban.