Gobolka Siti oo Galay kaalinta 3aad Tartankii Kubada Cagta 9ka Gobol iyo 4ta ismaamul magaalo iyo Dhamaanba Ciyaarihii Fududaa oo Soo Gabagaboobay.

Jigjiga(CakaaraSport)waxaynu wada ogsoonahay in ay horyaalka kubada cagta ee sandkan ay noqotay kooxda xulka kubada cagta ee Gobolka Afdheer oo ku guulaysatay hanashada koobka iyadoona ay kaalinta 2aad gashay Ismaamulka magaalada godey ku ciyaaraysay.

hadaba Ciyaar kulul oo loogu tartamayay Kaalinta 3aad ee tartankan ayaa ay dhexmartay Kooxda Gobolka Doollo iyo kooxda gobolka Sitti iyadoona ay labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan waxaana ku guulaystay kaalinta 3aad Kooxdii gobolka sitti oo ka badisay Doollo.

Dhanka kale waxaa la soo gabagabeeyay dhamaanba tartanadii cyaaraha fudud Sida Orodada 100m,1500m,500m,10,000m,marathonka iyo bootinta iyadoona ay ka soo baxeen dhalinyaro lagu xisaabtami karo.