Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Arimaha Xidhiidhka Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska oo kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socoday Waaxaha Xidhiidhka Dadwaynaha xafiisyada Heer- deegaan iyo Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta Deegaanka.

Jigjiga(cakaaraNews) Arbaco Sept 18,2013.Waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska kulan ay masuuliyiinta xafiiska la yeesheen qaarka mid ah masuuliyiinta waaxaha xidhiidhka dadwaynaha ee xafiisyada heer-deegaan iyo suxufiyiinta ka hawl-gala dhamaan warbaahinta deegaanka.

Furitaankii kulankan ayaa waxaa ka hadlay wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska mudane maxamed guure bisle oo sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii si wada jir ah loogu wajilalaa xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya oo dhawaan ka dhici doonta xarunta deegaanka ee jigjiga in masuuliyiinta waaxaha xidhiidhka dadwaynuhu sii dar dargaliyaan qorshaha rubuca 1aad ee aan hada ku jirno iyada oo laga tusaale qaadanayo qaabkii uu u hirgalay qorshihii rubucii ugu danbeeyay ee sandii dhamaadan ee aan hada soo dhaafnay,

mudane Guure isaga oo hadalkiisa siiwada ayaa waxa uu yidhi” sidaan wada ogsoonahay waxaa inagu soo food leh xuska maalinta qoomiyadaha dalka itoobiya oo lagu xusi doono xarunta deegaanka ee Jigjiga taasina waxay inooga baahan tahay in aan ku muujino horumar taam ah inaga oo ka tusaale qaadanayna xusaskii hore ee ka dhici jiray deegaanada dalka waa in aan inagu oo bandhigaa ku ka meeqaan sareeya xusaskii hore.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulankaasi gadhwadeenka geedi socodka ee xafiiska arimaha arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane abdeeq maxamed yuusuf oo sheegay in ay xukuumadu siwayn ugu diraar garowday xuska maalinta qoomiyadah sidaasi dardeedna looga baahan yahay masuuliyinta waaxaha xidhiidhka dadwaynaha ee xafiisyada heer deegaan in ay macluumaadka xafiisyada sida uu yahay gaadhsiiyaan bulshawaynta deegaanka iyaga oo kaashanaya warbaahinta deegaanka sidoo kale waxa uu sheegay masuulku in ay qorshaha ugu jirto xukuumad in warbaahinta deegaanka siwayn loo dar dargaliyo hawlaha warbaaxinta iyo tebinta wararka xaqiiqda waxqabadka deegaanka.

Dhanka kale waxaa iyaguna ka hadlay kulankaasi qaarka mid ah masuuliyinka ka socotay xafiisyada heer-deegaan iyo suxufiyeenka ka socday warbaahinta deegaanka oo sheegay in ay si aad u heer-saraysa ugu diyaar yihiin xuska maalinta qoomiyadaha