Komishinka Qaabilaada Cabashooyinka DDSI oo Aqoon-Iswaydaarsi Ugu Tegay xafiisyada Dhigiisa ah ee Ka Jira Heer-Federal iyo Deegaanada DFI.

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis Sept 19,2013.Komishinka Qabilaada Cabshooyinka Ddsi Ayaa Dadaal Xoogan Ugu Jira Hirgelinta Iyo Ka Midho Dhalinta Qorshaayasha Kala Duwan Ee U Dajisan guud ahaan xukuumada gaar ahaana Komishinka cabashooyinka oo sanadkii tegay uun laga yagleelay DDSI taasoo ku jihaysay xafiiskani in uu aqoon-kororsi (Sharing-experience) ugu tago Qaar ka mida Xafiisyada cabashooyinka Deegaanada DFI iyo Kuwa Heer-Federalba.

Hadaba mar saxaafada ay wax ka waydiiyeen kuxigeenka Komishinka Qaabilaada Cabashooyinka Ddsi Mudane: Siciid Salebaan Axmed ayaa uu sharax dheer ka bixiyay ahmiyada balaadhan ee ay u leedahay shacabka iyo dawladaba Qaabilaaada,dhagaysiga iyo waxkaqabashada cabashooyinku.

Kuxigeenka Komishinka Qaabilaada Cabashooyinka Ddsi Mudane: Siciid Salebaan Axmed Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Khibrad Wadaagani Uu Ahaa Mid Ah Ka Heleen Faaidooyin Badan Oo Ay Ka Mid Ahayeen Nidaamyada Qaabilaada Cabashooyinka,Nooca Cabashada Iyo Heerarka Ay Marto Isagoo Inta Raaciyey In Guud Ahaan Ay Lasoo Yesheen Degaanada Dalka Iyo Federalba Khibrad Wadaag “Experience Sharing” Fiican .

Qaabilaada cabashooyinka Bulshada ayaa wax wayn ka taraysa maaraynta iyo dhagaysiga dhibanaha Ugu Dambeyntii Masuulka Oo Hadalkiisu U Dhinacyo Badan Taabanayey Ayaa Gabgabadii Sheegay In Komishinku Uu Sii Dardargelinayo Hirgelinta Hawlaha Shaqo Ee U Yaala Sanadka 2006 T.I