Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkada maraakiibta iyo Adeega Gaadiidka DFI oo Ka Soo Dejisay Marsada Jabuuti Markab Casri ah oo Loogu Magacdaray Jigjiga.

Djibouti(CakaaraNews) Khamiis Sept 19,2013.Shirkada maraakiibta iyo Adeega Gaadiidka DFI ayaa soo dejisay markab cusub oo loogu magac daray Jigjiga,markabkii 7aad ee uu dalku leeyahay ayaa uu noqon doonaa markabkani sida la sheegay. Munaasabada xadhig-jarka Markabka-Jigjiga loogu magacdaray oo ka dhacday marsada Jabuuti ayaa ay ka qaybgaleen wasiirka wasaarada ganacsiga iyo isgaadhsiinta ee DFI Workineh Gebeyehu,Maareeyaha Shirkada maraakiibta DFI Ahmed Tusa,wasiirka kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI Mudane maxamed Faatax maxamed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Sonkor.

Ahmed Tusa, Chief Executive Officer of ESLSE, ayaa sheegay in uu heerka daboolka shixnadaha ganacsiga dekada jabuuti uga soo dega ethiopia oo ahaa 15% uu kadhigidoon 35% koboca dhaqaalaha dalka uu kadhigidoono markabkan cusub ee jigjiga-markab,iyadoona markabkan cusub ee loogu magacdaray Jigjiga uu Qaybwayn ka qaadan doono kor u qaadida dhaqaalaha dalka ayuu yidhi.

wasiirka gaadiidka DFI Workeneh Gebeyehu ayaa xiligii xadhigjarkar markabka Dekada Jabuuti ayaa kormeer iyo indhaindhayn ku sameeyay Gudaha markabka Jigjiga loogu magacdaray tilmaamayna in uu wax wayn ka qaban doono Soo dejinta Qalabyada iyo alaabaha kala duduwan kaalin fiicana ka qaadan doono kobaca Dhaqaalaha Dalka,islaamarkaana uu dhimi doono kharashkii ku bixi jiray kirada alaabta la soo dejiyo oo ay sanadkii tegay la soo dejiyay Alaab dhan 7.3 billion tons cargo,iyadoona maraakiibta DFI ay soo dajiyeen alaab dhan 3 billion tons oo 40%kiiba ka ah alaabta Dalku soo dejiyay.