Xagay Ka Rakatay Ku Dhaqanka barnaamijkii BBRka Xafiisyda Heer Deegaan laga Hirgaliyay.

Jigjiga(cakaaraNews) Sabti Sept 21,2013.waxaynu wada ogsoonahay in Dhamaanba xafiisyada heer deegaan laga hirgaliayay Nidaamka iswaafajinta Shaqada iyo Shaqaalaha(BBR) kaasoo xambaarsanaa Adeeg-bixinta Hufan ee deg-degsiimaha badan afka qalaadna loogu yeedho( Busines process re-engneering BBR) iyadoona barnaamijkan ujeedadiisuna ahayd sidii bulshada loo siin lahaa Adeeg tayo leh,Maamul saxar-tiran islamarkaana deg-degsiimo badan.

Hadaba waxaa hubaala in dhamaanba shuruucda iyo Nidaamyada Adeega BBRka xiligiii laga hirgaliyay deegaanka in dhamaanba xafiisyada deegaanku rucle u galeen dhamaystiray Muuqaal ahaan Hirgalinta barnaamijka BBRka,Sida in Tabeelooyin waawayn lagu Qoray Yoolka,Ujeedada iyo Halka Xafiis walbaa uu Hiigsanayo,Tabeelaha Numbarada lagu siiyay Xafiis kasta(Qol) lana Qotomiyay Xafiis walba hortiisa,Information Desk(Qolka Xogta).

Walow dhamaanba Xafiisyada Heer-deegaan laga fuliyay barnaamijka Iswaafajinta shaqada iyo Shaqaalaha(BBR) sida in xafiis walbaa ku cadeeyo Tabeele- hagaha Qorshaha iyo Ujeedada Xafiiska loo idmay oo la Qotomiyay xafiis walba kadinkiisa,tabeele-hagaha Qolalka iyo Qaybaha Adeeg-bixinta xafiiska laguna Qotomiyay afaafka xafiisyada. Sidoo kale waxaa jirtay in xafiis walba laga hirgaliyay Gudihiisa Qol yar oo loogu talo galay in macaamiisha danta ka leh lagu siiyo Tilmaamaha ay la xidhiidho Adeega ay u baahan yihiin(Information Desk) iyadoona macaamiisha Qoorta loo sudhi jiray kaarka Booqashada oo ay ku xusan tahay xafiiska uu soo booqday magaciisa(Guest Card Tag) halka dhamaanba Shaqaalaha xafiisyaduna ay Qoorta ku xdhan jireen tagname lagu kala sooci karo Shaqaalaha Xafiiska iyo Adeeg-bixinta Macaamiisha martida xafiiska danaha ka leh.

Gundhiga hadalqoraalkayaga ayaa uu nuxurkiisu yahay xagay ka rakatay ku dhaqanka Qodobadii uu jideeyay Hirgalinta barnaamijka Iswaafajinta Sqada iyo shaqaalaha ee Bilowgii Muunad ahaan looga dhaqangaliyay Dhamaanba xafiisyada heer-deegaan Gaar ahaan Dhanka kala soocida cadaymaha Macaamiisha xafiiska danta ka leh iyo Shaqaalaha xafiiska waana marag ma doon in ay xafiisyadu Meel iskaga Tuureen hawlihii Qolka Xogta iyo la socodka Diiwaangalinta macaamiisha kala duduwan ee xafiiska soo booqatay(Information Desk).

Dhanka kale waxaa ku ladhnaa Hirgalinta barnaamijka iswaafajinta Shaqada iyo Shaqaalaha (BBR) Waji labaad oo looga Gudbayay ahaana Xaqiijinta Natiijada Shaqada(Performance),xeerka shaqaalaynta, xeerka dalacsiinta,ka badalaada, anshaxa, ka xeerka aqooneed xeerka meelaynta. afka qalaadna loogu dhawaaqo BIS(.

Isku soo wada soohoo waxaan la iska indhosaabi karin in ay xafiisyada Heer-deegaan ka caajiseen ku dhaqanka qaar ka mida qodobadii Hagaha BBRka Sida Adeeg-bixintii iyo Macluumaadkii Qolka Xogta (Information Desk) iyo Aqoonsiyadii kala soocida Shaqaalaha xafiisyada iyo Macaamilka Danaha ka leh Xafiiska,taasoo micnaheedu yahay saalo baastiina may i sugaysaa,hadii lagu dhaqmi lahaana si nidaamsan oo waadix ah lagu kala sooci karo Ruqsada Macaamilka loo siiyay danaha uu xafiiska ku cad Kaarka Qoorta u sudhan ka leeyahay si loo siiyo Adeeg Hufan,isagoona Ruqsada Xafiis la soo siiyayna uunan mid kale ugu gudbi karin.