Khudbaddii uu Madaxwaynuha DDSI Saaka ka Jeediyay Munasabada xuska Maalinta Qaran ee Calanka dalka.

Waxaa Dhamaanba Dalka Itoobiya maanta si weyn looga xusay maalinta Calanka DFI oo ku beegnayd maanta oo ay taariikhu tahay dhamaanba 9ka Ismaamul Goboleed iyo Caasimada Magaalada Addis-Ababa ee DFI,iyadoona Isoo baxyadan lagu maamuusayay Xuska Calanka Federalka ay ka qayb qaadanayeen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka,Ciidamada Boolisyada ay Gaarka u leeyihiin Deegaanadu,Ardayda iyo Dhamaanba Qaybaha bulshada.

Hadaba iyadoo Guud ahaan Dalka laga wada xusayay Maalinta Calanka DFI ee sugay Dhamaanba Xuquuqihii iyo Jiritaankii Qowmiyadaha ayaa Gaar ahaan dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka DDSI si siman maanta looga wada Xusay Maalinta calanka qaranka,islamarkaana ay ka qayb qaadanayeen Dhamaan Cutubyada Ciidamada Qaranka,Booliska Gaarka ah iyo Booliska. Magaalada Caasimada u ah DDSI ayaa iyada Maanta Si weyn looga xusay Maalinta Calanka DFI oo ah Xuskii 6aad ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga xuso,ayaa ay Maanta ay isku soo baxeen dhamaanba Qaybaha bulshada 10ka xaafadood ee magaalada jigjiga,ardayda Jaamacadaha iyo iskuulada,ururada iskaashatooyinka,kooxaha Fanka iyo Cutubyo ciidan ah oo ka tirsan Ciidanka Qaranka DFI iyo Ciidamada Booliska Qaybahooda kala duduwan.

Cutubyada Ciidamada ayaa safsaf ku soo maray Garoonka ay Munaasabada Calan-saarku ka dhacaysay,islamarkaana salaan ka qaatay Madaxweynaha DDSI iyo Saraakiisha ciidamada,iyadoona ay ku dhaarteen in ay Amaanka iyo xasiloonida Dalka u sugi doonaan si Cadaalad iyo Qawaaniinta xeerarka xuquuqul insaamka caalamiga ah waafaqsan,sidoo kalana dhamaanba masuuliyiintii ay balanqaadeen in ay dhamaystiri doonaan Qorshayaashii iyo Himilooyinkii uu Meles Jeexay,islamarkaana Dabar goyn doonaan Cadawga ugu weyn Dalka itoobiya ee Saboolnimada.

Madaxwyanaha DDSI” mudanayaal iyo marwooyin, marka hore aniga oo ku hadlaya magaca dawlada deegaanka somalida itoobiya iyo magacayga waxaan salaamayaa: masuuliyiinta heer fadaraal, masuuliyiinta iyo goleyaasha dawlada deegaanka heerar keeda kala duwan,dadwaynaha qaybihiisa kala duwan sida guurdita, odoyaasha haweenka iyo dhalinyarada, ciidamaha nabadgalyada iyo martisharafta kale ee ka soo qaybgashay munaasabadan qiimaha badan ee lagu xusayo maalinta calankeena qiimaha iyo qadarinta mudan.

Madaxweynaha Mudanayaal iyo Marwooyin:- Marka xiga munaasabaddan xuska maalinta calanka darteed waxaan hanbalyo iyo salaam halkan uga uga gidbinayaa dhamaan shacabwaynaha DDSI meelkasta oo ay joogaanba dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Haddii aynu dib u jaleecno, wixii ka horeeyay is badalkii itoobiyada cusub ee uu majaraha u hayey ururka EPRDF,shacabka dawalada deegaanka soomalida itoobiya waxa uu ahaa shacab ay cabdaadis iyo cabudhin dhinac kasta ah ku hayn jireen talisyaddii ka jiray dalkeena itoobiya sida taliskii shuuciga, dhergiga iyo taliskii boqortooyada,ee hayle salaase oo aan marnaba ka helin jiran xaga iyo xuquuuqda ay dalka u lahaayeen islamarkaana aan deeganka laga fulin jirin wax horumar ah dhinac kastaba.

Madaxweynaha"Tusaale ahaan calankii xiligaasi jiray muuna ahayn calan ka turjimaya oo u taagan dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dadwayga itoobiya. Shacabka soomalida itoobiya sida shucuubaka kale ee itoobiya badankooda waxa uu halgan dheer oo taariikhi ah, Naf iyo maal badan uu ku waayay u soo galay siddii uu iskaga dulqaadilahaa cadaadiska iyo cabudhiska kuna hanalahaa xaqa iyo xuquuqdooda uu ku leeyahay dalkiisa.

Madaxwaynaha, mudanayaal iyo marwooyin:- waxaa xasuus gaar ah oo qadarin mudan leh isbadalkii siyaasadeed ee uu majaraha u hayey Ururka EPRDF, ee ka dhacay dalkeena itoobiya 20kii Ginboot sanadkii 1983 EC islamarkaana uu gadhwadeenka ka ahaa geesigii qaaliga ahaa ee aragtida dheeraa aabihii itoobiyada cusub mudane Meles Zinawi waxa uu dhidibada u taagay dawlada fadaraalka ee ku dhisan Dastuurka dimuqoraadiga ah si cad u xaqiijinaya xaqa iyo xuquuqaha qoomiyadaha shucuubta iyo dadwayga itoobiya una taagay sharafta midnimada iyo qaranimada dalkeena itoobiya, Maalinta xuska calankeena oo ah astaanteena gaar ah waa maalinta xuska sharafta, qiimaha iyo qadarinta calankeena. Waa maalin qiimo wayn iyo qadarin gaar ah u leh shacabka deegaanka soomalida itoobiya waana maalin shacabka deegaanka u mudan xusid iyo qadarin wayn oo gaar ah waana maalin baal dahab ah kaga qoran taariikhda deegaanka soomalida itoobiya waa maalin uu xusi doono qof kasta oo muwaadin ah waana maalintii ugu horaysay ee deegaanka soomalida itoobiya helay xuquuq la siman xuquuqaha ay helaan deegaanada kale ee itoobiya.

Madaxwaynah mudanayaal iyo marwooyin:-waxaa waajib inagu ah oo aan si cad u balanqaadaynaa in aan cadawga ka yurayno kana difaacno calankeena sharafta iyo qadarinta mudan islamarkaana aan har iyo habeenba heegan u nahay. Nafta iyo maalna aan u hurayno difaaca calankeena.

Madaxwaynaha mudanayaal iyo marwooyin:- waxaad ogsoontihiin in munaasabadani tahay munaasabad ka duwan munaasabadihii hore, waayo waxay ku soo beegan tay xilli uu deegaankeenu ku talaabsatay guulo waaweyn oo taariikhi ah, gaar ahaan horumarka uu ka gaadhay dhinacyada dhaqanka, dhaqaalah, waxbarashada, caafimaadka,biyaha,beeraha,jidadka,isgaadhsiinta,korontada,xidhiidhka,abaabulka dadwaynaha, siyaasada, dimuqoraadiyada iyo maamulka suubanba.waana maalin aan diyaargarow wayn ugu jirno xuska maalinta qoomiyadaha shucuubta iyo dadyowga itoobiya oo markii 8aad lagu xusidoono deegaankeena.

Madaxwaynaha mudanayaal iyo marwooyin:- ugu danbaybtii waxaan shacabkeena soomalida itoobiya u boorinayaa in hadh iyo habeenba heegan u ahaano difaacida calankeena islamarkaana aan ka hortagno is ku day kasta oo uu cadawgu isku dayo. In aan sii xoojino xuska iyo qadarinta calankeena,in aan sii xoojini siina adkayno sinaanta midnimida iyo iskaashiga qoomiyadaha, shucuubta iyo dadyowga itoobiya in aan difaacano itoobiyaannimideena, in aan sii xoojino dardargalinta hawlaha lagu xaqiijinayo horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo dimuqoraadiyada ka hanqaaday deegaankeena islamarkaana aan ka hortagno wax kasta oo waxyeelo ku ah. Waad mahadsantihiin.