Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maareeyaha wakaalada naqshadaynta,Daraasaadka iyo dabagalka oo Kormeer Hawleed Ku Tegay Mashaariicaha Ka Faaiidaysiga Biyaha iyo Waraabka ee Ka Socda Gobolka Sitti.

Harawo(CakaaraNews) Talaado Sept 24,2013.: Mareeyaha Wakaalada Nashqadeynta, Daraasadka iyo Dabagalka Deegaanka Soomaalida (WNDDS), Mudane Guuleed Aw Cali ayaa kormeer hawleed ku tagey goobaha laga fulinayo mashruucyada Qodista Ceelasha Gunta-dheer,Biyogalinta,dararka xoolaha iyo dadku ka cabaan iyo waraabka (waraabka dhul beereedka,iyadoona uu barnaamijkani qayb muhiima ka yahay Hirgalinta Qorshayaasha MDG ee la dagaalanka Saboolnimada iyo damaanada Cuntada(Food Security).

Xukumada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wax ay dadaal baladhan ugu jirta sidi loo Horumarin lahaa Nolosha Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka ku nool si loogu bedelo Xoolo-dhaqato beeralay loo dhamaystiro dhamaanba adeegyada aasaasiga ah iyo kaabayaasha Dhaqaalahaba. Hadaba,

Iyadoona Mashaariico farabadan oo kala duwan Siiba Barnaamijka Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka oo loogaga faaiidaynayo Bulshada si loo maareeyo Cunto yaraanta iyo Dhaqaalaha QoyskaIyaado, qoysaska danyarta ah si gaar ah looga faa’iideynayo laguna gaadhsinayo isku filaansho xaga damanada cuntada ah.

Hirgalinta barnaamijka Dibudejinta Qoysasaka oo si wey wax uga badashey Nolasha Asaasiga ee bulshada Reer-guuraaga xoolo-dhaqatada ah, iyadoo laga duulayo khibradaas iyo waayo-aragnimadaas ayaa waxaa ahmiyad gaar ah la siiyey sidi looga faa’iideysan lahaa kheyraadka biyaha dhulka hoostooda ku jira iyo kuwa cirkaba loona istimaalo wax soo-saarka Beeraha.

Kadib cilmi-baadhis iyo dadaal ay xukuumadu sameysay ayaa lagu ogadey in gobolka Siti oo horay loogu tilmaami jiray gobol Omane ah (biyo la’aan ah),

marka la eego dabeecadaha dhulkaas ayaa noqday goobta ugu biyaha badan dalkeena. Dhanka kale Xukuumada DDSI ayaa Gabi ahaanba ku guulaysatay hirgalinta Barnaamijka Dibudejinta Qoysaska Agagaarada wabiyad iyo dooxooyinka,Guud ahaana DFI uu deegaanku ugu noqday Tusaale ku dayasho mudan khibradana loo soo doontay DDSI.

Xukuumada deegaanka Somalida Itoobiya ayaa gobolkan waxaa ay ka bilowdey Mashruuc baaxad weyn oo iskugu jira Ceelasha dhaadheer oo dhan 50 ceel oo looga faa’iideysan doono waraabka beeraha oo aalad ama qalab casriya oo sida roobka loogu waraabinayo dhul beereedka iyo sidoo kale mashaariicda horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Mashruucan ” Harawa Ground Water Based Sprinkler Irrigation” ayaa noqonaya kii Koobaad ee noocisan ah ee laga Hirgaliyo dalkeena Itoobiya. Mareeyaha WNDDS,

Mudane Guuleed Aw Cali oo kormeer baladhaan iyo dabagalba ku sameeynayey Mashriicdaas ayaa sheegay in ujeedada kormeeradan ay yihiin sidii loo xaqiijin lahaa inay shaqaadu ku socoto qaabkii loo qoondeeyay iyo sidii loo kordhin lahaa xawliga shaqada, si mashaariicda loogu dhamaystiro kahor wakhtigi loogu talagaley. Hadaba,

warbixintii uu ka dhagaystay shaqaalaha mashruucan harawo ayuu Maareeyuhu sharaxaad dheer ka bixiyay in xukuumadu dadaal badan ugu jirto sidii loo dedejin lahaa iyo in la dhamaystiro wakhti ka horeeya kii loogu talagalay, loona baahan yahay in la laban-laabo waktigii caadiga ahaa ee la shaqayn jiray. Kulana balamay in booqashada tan ku xigta ayna ahayn wakaaladaha ay qusayso kaliya, balse ay hogaanka sare ee xukuumadu ina soo booqan doonaan. Markaa dhamaanteena shaqaalaha iyo wakaaladaha inay sharaf & wadaninimo tahay natiijada shaqada la qabtay sidii ay u noqon lahayd mid aad uga sareysa meesha loo baahnaa in la gaadhsiiyo. Taasina waxaa lagu hirgalin karaa kordhinta xaawliga ay shaqadu ku socoto