Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Taaladii Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo Maanta Si Rasmi ah Laga Dhex Qotomiyay Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews)Arbaco Sept,25,2013.Waxaa maanta laga taagay wadada badhtamaha u ah magaalada Jigjiga Taaladii Hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ahaa Halyeey u Dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya kuna dhashay laguna Aasay Iimey.

Shacabweynaha magaalada Jigjiga iyo Baabuurtaba ayaa aan iyagu ilaa ay u istaagaan oo ay Sawir ka qaataan taalada Sayidka aan Dhaafayn iyadoona Shacabku Tubnaayeen Dhinacyada Wadooyinka.

Xukuumada DDSI ayaa Miisaaniyad lacageed oo aad u badan ku bixisay soo samaynta Taalada sayidka oo lagu soo sameeyay Dubai,halka xarun looga dhisayo Iimey.