Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ogaysiis: Dhamaan Qurbajoogta Melbourne Ka Soo Qaybgalka Shir lagu Taageerayo Maamulka Saxar-tiran,Nabada iyo Horumarka

Melbourne-Australia(CakaaraOgaysiis) :waxaa la ogaysiinayaa qaybaha kala duwan ee Qurbajoogta ka soo jeeda dawlada degaanka somalida Ethiopia kuna nool dalka Australia gaar ahaan magalada Melbourne in ay kasoo qayb galaan shir wayn oo looga hadli doono Saxartirka Maamulka Suuban,nabada iyo hormarka ay ku talaabsatay Xukuumada Maanta uu Hogaankeeda hayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar DDSI.

Dhanka kale Shirkn ayaa lagu marti qaaday jaaliyadaha kale duwan ee soomaliyeed sida somaliland,puntland, jubaland,gal-mudug,somalida jabuuti iyo somalida Kenya iyadoo loo sharxi doono isbedelada iyo kobaca Dhaqaale ee uu Haabanayo DDSI dhinacyada Saxar-tirka Maamulka Suuban,Nabadgalyada iyo horumarka uu ku talaabsaday DDSI.

Gudiga qabanqaabada ayaa sida lagu wado Munaasabadan ka soo jeedin doona Warbixin ebi-tiran oo ka turjumaysa Maqal iyo Muuqaalba,Dhinacyada-Nabadgalyada,Maamulka-Suuban.Kobaca-Dhaqaale,waxbarashada,caaafmaadka,Biyaha,Beeraha, Jidadka,isgaadhsiinta iyo Barnaamujka La Dagaalanka Saboolnimaa iyo Cunto-yaraanta.

F.G:- faahfaahinta iyo Cinwaanada Waa Kuwa ku Xardhan Sawirka ee Hoos ama Kor uga Bogo.