Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Si Heer sare ah Loo soo Agaasimay ayaa waxa ay Ka Dhacday magaalada Melbourne Australia gaar ahan xaafada Flemmington oo ay degen yihiin Somali Ethiopian community iyo Hogaan Cusub oo ay Qurbajoogta DDSI ku Dooratay.

xafladan Qiimaha iyo Qaayaha badan oo ay isku soo dubariday Diyaarinta qabsoomideeda maamulka communitiga DDSI ee dalka Australia.,iyadoona ay xafladaan ka soo qeyb-galeen Hogaaminta Dhaqanka,Aqoonyahan,Madaxda jaaliyada,Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI,Marti-sharaf ka socday Baarlamaanka Australia iyo siyaasiin .

Waxaa iyaguna ka soo qeyb gaalay xafladaan xubno waaweyn oo ka mid ah Dawlada Australia gaar ahaan hogaanka sare ee xisbiga Green ka Hon: Adam Bandit ah xubintii ka Soo baxdey gobolkaan Victoeria horaantii bishaan Sept 2013 iyo wakiilka u jooga Australia Dawlada Ethiopia Mr Graham J ROMANES Honorary Consul-General.

Xafladaan ujeedadeedu waxaa ay aheyd sidii doorasho caafimaad qabta loogu dooran lahaa Hogaan cusub Ethiopian Somali Community oo uu in mudo ah Hogaanka Jaaliyada Soomaalida Itoobiya ee Australia uu soo hayay Suldan Yussuf Suldan Mahamud Haybe, oo ah dadkii loogu yimid wadankaan Austrlia in badana ka soo shaqeeyey midnimada,isku-xidhka Qurba-joogta Dawlada Degaanka Somalida itoobiya iyo ladagaalanka Aragtida iyo Shaqsiyaadka Nabad-diidka.

Hanaanka Doorashada oo ahayd mid xor ah ayaa ay ku guulaysatay hogaanka Cusub Umal Kheyr Xaji Cali Dalmar oo ka soo jeeda Dawlada Ismaamulka Degaanka Somaliyed ee Ethiopia,aheydna dadkii hore si hagar la'aaneed oo dareen wadaniyadi ku dheehan tahay ulla soo shaqeeyey gudoomiyihii xilka ka degey Suldan yussuf Suldaan Muxumed haybe,guud ahaanba Gudigii iyo Isku-xidhka arimaha wada jirka Qurba joogta Dawlada Ismaamulka Degaanka Somaliyed ee Ethiopia ee degan Austraalia iyo New Zealand,

Sidoo kale Waxaa hadal dheer halkaas ka soo jeediyey gudoomiyihii hore ee communitiga Suldaan Yuusuf oo warbixin dheer ka bixiyay waxqabadkii iyo guulihii ay ku talaabsadeen isaga iyo Xubnihii la shaqaynayayba tilmaamayna in ay ahaayeen Dad ay ka go'nayd wadaniyadu kuna taamaya in ay ka qaybqaataan Doorka kaga aadan N/galyada,Horumarka,Maamulka-Saxartiran iyo Maalgashigaba,iyadoona uu balan qaaday in uunan marna ka xagal-daaci doonin Gacan-siinta iyo la shaqaynta Gudiga Cusub iyo Arimaha N/galyada iyo Horumarka ay udub-dhexaadka u tahay Xukuumada uu Hogaanka u hayo madaxweyne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Markey dhacdey doorashadii taariikhiga aheyd e halkaas ka dhacdey ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyey Mr Graham J ROMANES Honorary Consul-General: kana hadlay doorashadan oo uu ku tilmaamey taariikhi kuna amaaney Qurba joogta DDSI Midnimada,Iskuxidhnaanta iyo horumarka Dhanka aragtida, kuna tilmaamey doorashadaan tii ugu horeysey ee si cadaalad ah u dhacdey laguna doortey gabadh yahayna communitigaani African Communitigii ugu horeeeyey ee doorasho daacad ah galay loona dhan yahay laguna doortey qof dumar ah Mr Graham J ROMANES,

Mr Romance waa aan guuleysaney ayuu yiri oo doorasho cadaalad ah aan galay gabarna ku dooraney, taas oo ku tilmaamey guul iyo israac Mr Graham J ROMANES, waxaa uu yiri African community waxaa meel walba xukuma niman oo ma arag buu yiri intii aan Australia joogey African Community gabari madax u tahay Mr Graham J ROMANES. Guul ayey noo tahay in aan doorano ayuu yiri gabadh aqoon leh oo u soo shaqeysay dadkeeda isagoona si way u soo dhaweeyey doorasahada Qurba joogta DDSI ay ku dooratey Umal Khayr Haji Cali, kuna booriyey aqoon yahamada African Communiga ee ka soo qeyb galay xafladaan in ay ku daydaan Communitiga DDSI iyo horumarka cadaladeed ee ay gabdhuhu leeyihiin iyo maamul wanaaga Qurba jooga DDSI ee Australia .

Waxaana isna meeshaas hadal dheer ka jeediyey Adan Bandit MP, halkaasna ka sheegey kalsooni iyo wada shaqeyn iyo in uu la shaqeyn doona maamulka cusub una gudbindoono heerkaan ku dayashada mudan ee halkaas ka dhacay, kuna amaaneyna maamulkii hore iyo Suldan Yusuf Mahamud haybe Umal Kahyr,

Dhanka kale waxaa ay sheegtey balana qaadey in ay ka shaqeyneyso hawshii uu hayey gudoonkii iyada uga horeeyey shaqadaan loo doortey lana tashan doonto,iyadoona guulna ku tilmaantey habka demoqraadiyada leh ee lagu doortay hawshan Qaran oo baxad wayn.