Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ogaysiis:Dhamaanba Aqoonyahanka,Abwaanada,Taariikhyahanka iyo Heerarka Qaybaha Bulshada ka Soo Jeeda 9ka Gobol ee DDSI ka kooban Tahay in aanu Furnay Boga Fikradaha iyo Talada Xuska 8aad ee Hidar 29 Jigjiga,Noogu soo Dira Fikradihiina Cinwaanka Hoose

Jigjiga(CakaaraOpinion) isniin Sept,30,2013.Waxaanu si xushmad leh uga codsanaynaa Dhamaanba Qaybaha Bulshada ee ku abtirsada 9ka Gobol ee ay DDSI ka kooban tahay kuna baahsan Daafaha Dunida iyo Dalkaba islamarkana u leh Aqoon iyo Xirfad Hiwaayadaha Curinta maansada,Hal-abuurka, Dhaqanka, Taariikhda Deegaanka,sooyaalkii taariikhda Deegaanka Soomaalida in aad kaalinta idin kaga aadan ka qaybqaadashada Xuska 8aad ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya ee lagu Qaban Doono Bisha fooda inagu soo haysa aad noogu soo gudbisaan:- emailkan: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. .

Waxaad fikradihiina iyo talooyinkiina ku aadan habka Diyaargarawga,amniga,Muujinta Dhaqankeena soo jireenka ah,Astaamaha iyo Ataarta Taariikhda Deegaanka,Suugaanta iyo ereyo Muujinaya Midnimada iyo walaalnimada Shucuubta Itoobiya iyo Gabayo ama heeso ka soo duxday maskaxdiina oo ku haboon Xuska 8aad ee Maalinta Midnimada iyo Walaalnimada Shucuubta DFI.

Waxaanu rajaynaynaa in wadar ahaanteen aynu kaga wada qaybqaadan doono Maskax iyo Muruqba Xuska maalinta Hidar 29 oo markii 1aad Caasimada DDSI ee magaalada Jigjiga lagu xusi doono isuguna iman doonaan Deegaanka Dhamaanba 9ka Deegaan iyo 2da ismaamul ee ay DFI ka kooban tahay,Madaxda ugu saraysa Federalka,Safaaradaha Caalamka ee fadhigoodu yahay AA,Ergooyin heer caalami ah iyo Madaxda Afrika iyo Caalamkaba.

Fikirkeena,hal-abuurkeena,Curinta Maansadeena iyo Talooyinka Waxtarka leh waa Qayb ka mida Muujinta Wadajirkeena.