Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ra'yi:Aynu Soo Wada Xidhano Maalinta Xuska Hidar 29 Dharka Hidaha iyo Dhaqanka inoo Ah.

Ra'yi(CakaaraOpinion)Isniin Sept,30,2013. waxaa email noogu soo diray This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. Mustafe Cabdi oo Fikirkiisa kaga qayb qaadanaya Xuska 8aad ee Hidar 29 oo ka dhici doona bisha soo socota caasimada DDSI ee Jigjiga wuxuuna yidhi:-

Mustafe:-Waxaan Ku Talin lahaa in Maalinta Xuska Hidar 29 ay Dhamaanba Qaybaha Shacabka DDSI in ay soo xidhaan Dharka Hidaha iyo Dhaqanka ee aynu astaanta u leenahay sida 2dii go' ee cad-cadaa,kabihii Maaska ahaa,laba dhudoodii,Boqorkii iyo Dhaclihiiba waana Mid muujinaysa Dhaqankeena soo jireenka ah oo aynu barayno Dhamaanba Shucuubta iyo Qowmiyadaha Dalka itoobiya ee aynu walaalaha nahay.

 hadaba waxaan kula talin lahaa Dhamaanba,Shaqaalaha Deegaanka, haweenka, Dhalinyarada, Odoyaasha,Qurbajoogta iyo Madaxda Xukuumada DDSI in ay ka hor xuska sii diyaarsadaan Dharka Hidaha iyo Dhaqanka aynu u leenahay si aynu Maalintaas si isku mid ah ugu soo wada labisano (Xidhano),si astaanta Dharka Hidaha iyo Dhaqankeenu uu maalintaa u garab istaago Aqal-soomaaliyada laga dhisayo magaalada Jigjiga,si Mustaqbalka loogu dhawaaqo Jigjigadii Cadayd(White-Town).

 Mustafe cabdi This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.